Nuur C/Raxmaan Nuur.
Khilaafka u dhaxeeya Labada Aqal ee Barlamaanka ayaa soo shaac-baxay bishii september -2018, Madaxweyne Farmaajo ayaa Xilligaas soo jeediyey in halmar lawada furo Kalfadhiyada Labada Aqal Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Soo jeedintaas waxaa ka gows adaygay Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyaga oo dhalliilay aragtida ah in kalfadhiyada labada aqal ee Baarlamaanka waqti iyo goob isku mid ah lagu furo.
14-kii Bishii Janaayo 2019, Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeedinayay Xafladii Xiritaanka Kalfadhigii 4-aad ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in uu xalinayo khilaafka ka dhaxeeya labada Gole ee Barlamaaka, Waxa uu tilmaamay in uu qabay tuhun ku aadan in Khilaafkaan uu salka ku hayay Khilaafka Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada, maadaama Golaha Aqalka sare ay matalaan Dowlad Goboleedyada.
Guddiyada Joogtada Golaha Aqalka sare ayaa shalay oo ku beegneed 12-ka Maarso ku dhawaaqay in 16-ka bishaan uu furmayo kalfadhigooda 5-aad, sida uu ku dhawaaqay Senator Cabdikaafi Macalin Xasan oo ah Habdhowraha Aqalka sare.
Senatoro katirsan Golaha Aqalka sare ayaa Mustaqbal u sheegay in uusan wali dhammaan Khilaafka u dhaxeeya Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Guddiyada Joogtada Golaha Aqalka sare ayaa sheegay in muddada Fasaxa ay ku jireen aan la xalin khilaafka labada Aqal, si halmar loo wada furo kalfadhiga Golaha Barlamaanka Soomaaliya.
Sidoo kale Golaha shacabka waxaa loo ballansanaa in uu furmo kalfadhigooda 10-kii bishaan, balse dib u dhac ayaa ku yimid, waxaana wararka ugu badan ay sheegayaan in uu furmayo 16-ka bishaan oo Sabtida todobaadkaan ku beegan.
Waqti ahaan xilliga furmashada fadhiyada labadaan Aqal ayaa isku maalin ku beegan, balse waxaa la isweydiinayaa in hal goob ay kuwada furmi doonaan iyo in ay kala meel ku qabsan doonaan kulankooda furitaanka Kalfadhiga 5-aad.
Xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Maxamed Jindi oo katirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Mustaqbal u sheegay in Labada Aqal Qilaafkooda uu Salka ku hayo Arimha Miisaaniyadda.
Waxa uu tilmaamay in dastuurka oo dib loogu laabto lagu xalin karo khilaafkaan, maadaama sida uu sheegay uu kala qeexayo Awoodaha iyo sida loo kala leeyahay.
Abuukaate Maxamuud Axmed Xasan {Dalab} waa Wasiirkii hore ee Ganacsiga Xukuumadii Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, waxa uu sheegay in hadii khilaafkaan uu sii taagnaado uu saameyn ku yeelan karo Doorashada la rajeynayo in ay Soomaaliya ka dhacdo 2020, sidoo kalena uu saamayn karo Wada shaqeynta labada Aqal ee Barlamaanka Soomaaliya.
Howlo badan ayaa horyaalla Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxyaabaha Horyaala kalfadhigan 5-aad labada Golae waxaa ka mid ah dhamaystirka sharciyo aqrinada 1-ad iyo 2-aad lamarsiiyay, iyo soo gudbinta Sharciyo Muhiim u ah Dalka, khilaafka ka dhex jira labada Gole hadii aan la xalin waxa ay sheegayaan dadka ku xeel dheer Arimaha Sharciga in ay Istaagi Doonto wada shaqaynta labada Gole, Dib u dhacna ay u keeni karto Hormarka Dalka.
Tebiyaha Arrimaha golaha shacabka
W/Q: Nuur C/Raxmaan Nuur
Mustaqbal Radio.
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…
Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…
Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…
Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…
War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa Galmudug loogu baaqay in ay ka waantowdo in saanad…