ARAGTIDA DADWAYNAHA

Dib-u-eegista Hannaanka Doorashooyinka Soomaaliya: Casharradii Laga Bartay Doorashooyinka Dadban

“Hadafka ugu weyn waa in la dhiso nidaam doorasho oo kor u qaada kalsoonida shacabka, yareeya awood-urursiga, isla markaana horseeda doorashooyin loo dhan yahay”

Dib-u-dhiskii Jamhuuriyadda Saddexaad ee Soomaaliya sanadkii 2000 wuxuu horseeday in dalka ay ka qabsoomaan doorashooyin ay hareeyeen caqabado ay ka mid yihiin musuqmaasuq, daahfurnaan la’aan, iyo ka qaybgalka muwaadiniinta oo aad u koobnaa, gaar ahaan dhinacyada musharraxnimada iyo codbixinta.

Hase yeeshee natiijooyinka doorashooyinkaas waxaa aqbalayay dhammaan dhinacyadii ku loollamayay siyaasadda iyo bulshada inteeda badan. Sidoo kale, waxaa mar kasta muuqanayay in doorasho kasta oo dhacda ay ka hufnaan iyo ka qaybgal wanaagsan lahayd tii ka horreysay, iyadoo geeddi-socodka doorashooyinku si tartiib ah u horumarayay.

Doorashadii ugu horreysay ee lagu soo dhisay xukuumaddii uu hoggaaminayay Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan, xildhibaannada waxaa soo xulay ergadii Soomaaliyeed ee ka qaybgalaysay shirkii Carta. Halka xukuumaddii ka dambaysay ee uu hoggaaminayay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, xildhibaannada ay soo xuleen hoggaamiyeyaashii kooxaha hubeysnaa ee ka qaybgalay shirkii lagu dhisay dowladdii ku-meel-gaarka ahayd. Sidoo kale, xukuumaddii Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, xildhibaannada waxaa soo xulay labadii dhinac ee ku loollamayay siyaasadda dalka: Isbahaysigii Casmara ee uu hoggaaminayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Dowladda Federaalka Ku-meel-gaarka ahayd.

Saddexdan doorasho waxay ka dhaceen dalka dibaddiisa, waxaana xildhibaannada lagu soo xulay hannaan magacaabis ah, halkii ay shacabka ama hay’ad doorasho ay si toos ah u dooran lahaayeen. Wixii ka dambeeyay doorashadii 2009 ee lagu soo dhisay xukuumaddii saddexaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa lagu guuleystay in geeddi-socodka doorashooyinku ka dhacaan gudaha dalka. Tan iyo muddadaas, dalka waxaa ka qabsoomay saddex doorasho oo kala dhacay sannadihii 2012, 2016, iyo 2021.

Hannaanka Doorashada 2012

Magaalada Muqdisho waxa ka dhacday doorasho dadban si loo soo afjaro dowladdii KMG ahayd ee uu hoggaaminayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed. 135 oday dhaqameed ayaa soo xulay xildhibaannada iyadoo lagu saleeyay nidaamka awood-qaybsiga 4.5.

Guddiga Xulista Farsamada (TSC) oo la soo xulay ayaa hubiyay isla markaana ansixiyay xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo tiradooda laga dhigay 275 xubnood, iyaga oo markii dambe iska doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka oo xilligaas ku soo baxay AHUN Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

September 10, 2012 Baarlamaankii 9-aad ayaa maalintaan doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo doorashada uu ku soo baxay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ahaa Xildhibaan markaas ka tirsan Golaha Shacabka.

Hannaanka Doorashada 2016

Doorashadii 2016 ayaa ahayd mid dadban maadaama aysan weli suuragal ahayn hirgelinta doorasho qof iyo cod ah. Doorashadan waxaa lagu saleeyay nidaamka awood-qaybsiga 4.5, iyadoo 275-ka kursi ee Golaha Shacabka lagu qaybsaday habkaas.

135 oday dhaqameed iyo nabaddoonno ayaa soo xulay 14,025 ergo, kuwaas oo loo qaybiyay goleyaal ka kooban min 51 ergo kursigiiba si ay u doortaan xubnaha Golaha Shacabka. Sidoo kale, Golaha Aqalka Sare oo ka koobnaa 54 xubnood waxaa soo doortay Baarlamaannada dowlad-goboleedyada.

Hannaanka doorashada waxaa maamulayay Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (FIEIT) iyo Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka Heer Dowlad-goboleed (SIEIT). Doorashadan waxaa sidoo kale markii ugu horreysay si rasmi ah loogu hirgeliyay qoondada ugu yaraan 30% ee haweenka, inkasta oo aan si buuxda loo gaarin.

Markii la soo dhammaystiray doorashada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, xildhibaannadu waxay doorteen Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare. Ugu dambayn, 8-dii Febraayo 2017, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana xilkaas ku guuleystay Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

Hannaanka Doorashada 2021

Dowladdii xilligaas joogtay ayaa isku dayday hirgalinta doorasho dadweyne, balse waxaa ka hor yimid Baarlamaankii xilligaas iyo madaxda maamul gobaleedyada, taas oo keentay in 2021 la’isku afgarto qaadashada hannaan doorasho oo dadban, iyada oo la ballaariyey ka-qaybgalka bulshada, tirada ergada dooranaysay kursi kasta oo Golaha Shacabka ah ayaa la gaarsiiyay 101 Ergo, halka markii hore ay ahayd 51 Ergo.

Si ka duwan doorashadii 2016, oday dhaqameedkii keli ahaa ee soo xuli jiray ergada waxaa lagu beddelay guddi ka kooban shan xubnood, kuwaas oo ay magacaabeen dowlad-goboleedyada. Isbeddelkan ayaa lagu doonayay in la kordhiyo hufnaanta iyo wadajirka geeddi-socodka xulista ergada.

Doorashooyinka Golaha Shacabka waxaa lagu qabtay laba goobood oo ku yaalla dowlad-goboleed kasta si loo baahiyo geeddi-socodka loona fududeeyo qabashadiisa. Dhanka kale, xubnaha Aqalka Sare waxaa sii waday inay soo doortaan Baarlamaannada dowlad-goboleedyada.

Kadib markii la soo dhammaystiray doorashada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, 15-kii May 2022, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana xilkaas dib ugu soo laabtay Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, oo noqday madaxweynihii 10-aad.

Doorashooyinkan, dadka intiisa badan waxay isku raaceen inay ka hufnaan iyo ka qaybgal ballaaran lahaayeen doorashooyinkii hore ee dalka dibaddiisa ka dhici jiray. Si kastaba ha ahaatee, doorashooyinka Soomaaliya wali ma aysan gaarin heerkii la rabay, maadaama sida ku cad Dastuurka KMG, hannaanka doorashooyinka dalka loogu talagalay in ugu dambayn loo gaarsiiyo doorasho dadweyne oo ku salaysan nidaam xisbiyo badan.

Muwaadiniintu waxay isweydiinayaan goorta ay dhab noqon doonto rajada ah in dalka ay ka qabsoomaan doorashooyin dadweyne oo daahfuran, xor ah, isla markaana ku dhisan nidaamka xisbiyada badan. Dad badan ayaa qaba in doorashooyinka loo qorsheeyay sanadkan 2026 ay noqdaan kuwo ka daahfuran, kana qaybgal ballaaran kuwii hore, isla markaana noqda tallaabo horumarineed oo loo qaaday dhanka xaqiijinta nidaam doorasho oo loo dhan yahay.

Caqabadaha ay Wadaagaan Labada Hannaan Doorasho

Marka dib loo milicsado casharradii laga bartay doorashooyinkii dadbanaa ee Soomaaliya ka dhacay sannadihii 2012, 2016, iyo 2021, isla markaana la qiimeeyo doorashooyinkii dadweynaha ee ku salaysnaa nidaamka xisbiyada badan ee ka qabsoomay qaybo ka mid ah dalka intii u dhexaysay 2025–2026, gaar ahaan Koonfur Galbeed iyo Gobolka Banaadir (doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo golayaasha wakiillada), waxaa muuqata inay jiraan caqabado muhiim ah oo ku lammaan labada hannaan. Caqabadahani waxay muujinayaan in aanay habboonayn in dib loogu laabto nidaamkii doorashooyinka dadban, isla markaana ay jiraan su’aalo mudan in laga isweydiiyo ku habboonaanta nidaamka doorashada dadweynaha ee ku dhisan xisbiyada badan ee hadda la soo jeediyay.

1. Xirnaanshaha Hannaanka Doorashada

Mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee ay wadaagaan labada hannaan waa xirnaanshaha geeddi-socodka doorashada. Doorashadii 2012, 135 oday dhaqameed ayaa soo xulay liiska xildhibaannada, taasoo keentay in muwaadiniin badan oo buuxiyey shuruudihii musharraxnimo laga reebo tartanka, halka muwaadiniin badan oo xaq u lahaa inay doortaan cidda matalaysa aanay qayb ka noqon habka doorashada.

Doorashadii 2016, xubnaha Golaha Shacabka waxaa doortay 51 ergo kursigiiba oo ay soo xuleen 135-ka oday dhaqameed iyo nabadoonnada beelaha, halka doorashadii 2021 tirada ergada loo kordhiyey 101 ergo kursigiiba, kuwaas oo ay soo xuleen guddiyo ka kooban shan xubnood oo ay magacaabeen dowlad-goboleedyadu. Sidoo kale, doorashooyinka dadweynaha ee ku dhisan nidaamka xisbiyada badan waxay iyaguna noqdeen hannaan xiran, maadaama xisbiyada siyaasadeed ay go’aamiyaan cidda noqonaysa musharraxa xildhibaan, iyadoo aan la qaban doorashooyin hoosaad (primary elections) oo furan oo xubnaha ama taageerayaashu ku soo xulaan musharraxiinta.

2. Daahfurnaan La’aanta

Labada hannaanba waxay la daalaa dhacayeen daahfurnaan la’aan. Go’aannada ku saabsan cidda noqonaysa musharrax ama heli doonta taageerada ugu dambaysa waxay inta badan ku salaysnaayeen eex, musuqmaasuq iyo xiriirro gaar ah, halkii lagu salayn lahaa hannaan furan oo hufan. Sidaas darteed, qofka xiriirka dhow la lahaa odayaasha dhaqanka, madaxda dowlad-goboleedyada ama hoggaanka xisbiyada siyaasadda ayaa inta badan heli kara fursadda musharraxnimo ama taageerada ugu dambaysa, taasoo wiiqaysay hufnaanta, sinnaanta iyo kalsoonida lagu qabi karo geeddi-socodka doorashada.

3. Boobka Kuraasta

Dhibaato kale oo labada hannaan si wadajir ah looga arkay waa boobka kuraasta. Doorashooyinkii dadbanaa waxaa marar badan lagu eedeeyay in kuraas gaar ah loo xiray musharraxiin xiriir dhow la lahaa odayaasha dhaqanka, dowlad-goboleedyada ama dowladda Federaalka. Dhanka kale, doorashooyinka nidaamka xisbiyada badan waxaa sidoo kale laga soo sheegay in musharraxiin ku guulaystay doorashooyinka hordhaca ah ee xisbiyada kuraastoodii loo wareejiyay musharraxiin kale. Arrimahani waxay si weyn u wiiqeen kalsoonidii lagu qabay hannaanka doorashada.

4. Awood-Urursiga

Doorashooyinkii dadbanaa waxay awood aad u ballaaran ku ururiyeen kooxo kooban. Sanadkii 2012, awoodda xulista xildhibaannada waxaa gacanta ku hayay 135 oday dhaqameed. Doorashadii 2016, isla odayaasha iyo nabadoonnadu waxay gacanta ku hayeen soo xulista ergada dooranaysay xildhibaannada. Doorashadii 2021-na, dowlad-goboleedyada ayaa helay awood ballaaran oo ay ku magacaabaan guddiyadii soo xulayay ergada, halka odayaashuna ay soo gudbinayeen musharraxiinta.

Nidaamka doorashada dadweynaha ee ku dhisan xisbiyada badan wuxuu awood aad u weyn siiyay xisbiyada siyaasadda, maadaama ay iyagu go’aaminayaan cidda musharrax noqonaysa iyo cidda ugu dambayn kursiga helaysa. Labada hannaanba, doorkii muwaadiniinta ee go’aaminta cidda matalaysa wuxuu ahaa mid xaddidan.

5. Xuquuqda Muwaadinka ee Doorashada

Nidaamka doorashada dadweynaha ee ku dhisan xisbiyada badan wuxuu xaddidayaa awoodda muwaadinka ee uu si toos ah ugu dooran karo qofka matalaya. Muwaadinku wuxuu codkiisa siinayaa xisbi siyaasadeed, balse ma hubo musharraxa ugu dambayn kursiga ku imanaya.

Codadka uu xisbigu helo ayaa loo beddelaa kuraas, halka xisbigu go’aamiyo cidda kuraastaas loo qoondeynayo. Sidaas darteed, ma jirto dammaanad qaadaysa in codka muwaadinku uu soo saarayo musharraxii uu doonayay inuu matalo. Xaaladaha qaarkood waxaa dhici karta in codka qofku ugu dambayn kursi u keeno musharrax aanu doonayn inuu matalo. Aragtidayda, codbixin aanu muwaadinku si cad u garanayn qofka ay ugu dambayn soo saarayso waxay ka qiimo yar tahay codbixin uu si toos ah ugu dooranayo qofka uu doonayo inuu matalo.

Soo Jeedin ku Wajahan Hannaan Doorasho oo Daahfuran, loo Dhan yahay, kana Tarjumaya Rabitaanka Muwaadiniinta

Iyadoo la tixgelinayo casharradii laga bartay doorashooyinkii dadbanaa iyo waayo-aragnimada laga helay doorashooyinka dadweynaha ee ku dhisan nidaamka xisbiyada badan, waxaan soo jeedinayaa in Soomaaliya qaadato hannaan doorasho oo isku dheellitiran, daahfuran, isla markaana si ballaaran u ilaalinaya ka qaybgalka siyaasadeed ee muwaadiniinta.

Hannaankan waa inuu u oggolaadaa qof kasta oo buuxiya shuruudaha musharraxnimada inuu si xor ah u tartamo, isla markaana uu xaqiijiyo in muwaadin kasta oo buuxiya shuruudaha codbixintu uu si toos ah uga qayb qaato doorashada. Sidoo kale, awoodda go’aan qaadashada waa inaan lagu koobayn hal dhinac ama koox gaar ah, balse loo qaybiyaa hay’adaha iyo daneeyayaasha kala duwan si loo yareeyo eexda iyo awood-urursiga.

Iyadoo la tixgelinayo caqabadaha labada hannaan ee hore, waxaan qabaa inaan lagu laaban nidaamkii doorashooyinka dadban, isla markaana aan la qaadan nidaamka doorashada dadweynaha ee ku dhisan xisbiyada badan ee ay hadda soo jeediyeen xukuumadda iyo qaybo ka mid ah mucaaradka.

Gunaanad

Doorashooyinka Soomaaliya waxay soo mareen heerar kala duwan oo mid kasta xambaarsanaa fursado iyo caqabado u gaar ah. Casharrada laga bartay doorashooyinkii dadbanaa iyo waayo-aragnimada laga helay doorashooyinka dadweynaha ee ku salaysan nidaamka xisbiyada badan waxay muujinayaan baahida loo qabo hannaan doorasho oo dheellitiran, daahfuran, isla markaana si dhab ah u xaqiijinaya ka qaybgalka muwaadiniinta.

Hadafka ugu weyn waa in la dhiso nidaam doorasho oo kor u qaada kalsoonida shacabka, yareeya awood-urursiga, isla markaana horseeda doorashooyin loo dhan yahay oo xoojiya xasilloonida iyo dimuqraadiyadda Soomaaliya.

_________________________________________________________________

WQ: Cabdicasiis Xuseen Maxamed, Cilmi-baare ka tirsan Somali Public Agenda SPA

Gmail: Abdiazizhussein8843@gmail.com

Afeef: Maqaalkan & kuwa kale ee ku soo baxa bogga Aragtida dadweynuhu waxa ay gaar u yihiin Qoraaga sheekada kamana turjumayaan Aragtida Mustaqbal Media

MM Editor

Recent Posts

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

52 mins ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

2 hours ago

Ciyaaryahan Marc Cucurella oo sharaxay sababta uusan u jarayn Tintiisa

Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…

2 hours ago

Maxay tahay fariinta Puntland ay u dirtay Galmudug?

War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa Galmudug loogu baaqay in ay ka waantowdo in saanad…

4 hours ago

Iiraan oo Ukraine ugu hanjabtay inay jawaab ka siin doonto Markabka ay ku beegsatay Badda Caspian

Dowladda Iiraan ayaa si caro leh uga hadashay weerarkii Ukraine ay ku beegsatay mid kamid…

5 hours ago

Guddiga Qaran ee Doorashooyinka oo shaaciyay Jadwalka Doorashada Hirshabeelle

 Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta si rasmi ah u soo saaray jadwalka guud…

17 hours ago