Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Turkiga, Musa Kulaklıkaya.
Kulanka labada mas’uul ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii adkayn lahaa xiriirka qotoda dheer iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah. Labada dhinac ayaa isweydaarsaday aragtiyo ku aaddan xoojinta mashaariicda horumarineed iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo siyaasadda.
Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda, Cali Balcad, ayaa muujiyay sida ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu mahadcelinayaan taageerada joogtada ah ee Turkigu la garab taagan yahay Soomaaliya.
Wuxuu xusay in Turkigu uu door lama huraan ah ka ciyaaray horumarinta nabadda, amniga, dhismaha hay’adaha dawladnimada, kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada, iyo kobaca dhaqaalaha dalka.
“Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga wuxuu ku dhisnaan doonaa mar walba kalsooni, xushmad is-dhaafsi ah iyo himilo mid ah oo ku aaddan sidii loo heli lahaa Soomaaliya nabad ah, midaysan, isla markaana barwaaqo ah,” ayuu yiri Wasiir Cali Balcad.
Dhankiisa, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Turkiga, Musa Kulaklıkaya, ayaa caddeeyay in dowladda Turkiga ay ka go’an tahay inay sii waddo taageerada ay siiso Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay in Turkigu uu ka shaqaynayo sidii loo xaqiijin lahaa Soomaaliya oo amni ah, isla markaana ilaalisa midnimadeeda dhuleed iyo madax-bannaanideeda.
Turkiga ayaa saaxiib dhow la ah Soomaaliya, iyadoo iskaashiga labada dal uu sanadihii u dambeeyay gaaray meel sare, gaar ahaan dhinacyada difaaca iyo horumarinta bulshada.
Mustaqbal
Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…
Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…
Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…
Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…