Wararka ka imanaya Magacaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhexeeya labo Maleeshiyo, oo maalmihii dambe isku heystay dhul ku yaalla Nawaaxiga Xabsiga weyn ee Waqooyiga Gaalkacyo.
Goob joogayaal la hadlay Mustaqbal Radio ayaa u sheegay in dagaalku dhaliyay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ,waxaana halkaasi ku geeriyooday inta la xaqiijiyay 5 ruux, halka 4 kalana ay dhaawacmeen.
Xaalada Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan waqooyiga Magaalada ayaa ah mid maanta kacsan,iyadoo wali labadii Maleeshiyo ee Dagaalamay ay wali isku horfadhiyaan goobta ay ku dagaalameen,waxaana mararka qaar lama maqlaya Rasaas goos goos ah oo labada dhinac isku ridayaan waxaana hada ku baxay ciidanka Booliska Puntland.
Wali Saraakiisha Amniga iyo Maamulka Magaalada Gaalkacyo ee Puntland,kama aysan hadlin Dagaalka,waxaana Dadka Shacabka ee ku Nool waqooyiga Gaalkacyo soo wajahay cabsi ku aadan in wax yeelo ay ka soo gaarto Dagaalka.
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…
Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…
Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…
Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…
War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa Galmudug loogu baaqay in ay ka waantowdo in saanad…