Categories: Last News

5-Qodob oo sabab u ah Furiinka Deg dega ah.

Waxa aan maqalnaa hebel iyo heblaayo dhawaan ayay is guursadeen, ayaamo bilo iyo todobaadyo kaddibna waxa yeerta waa  kala tageen waxeyna noqotay arin caadi iska ah in Degdeg leysku guursado oo hanada Degdeg leysku furo horay ayeeyna Somali u tiri Geedkii urod lagu koro orod ayaa looga soo dagaa.

Hadaba waxaan soo qaadan donna 5-Qodob oo aan isleyahay sabab ayuu u yahay Furiinka Degdega ah Waxeyna kala yihiin.

1-Guurka oo lagu Degdego.

In guurka lagu Degdego waa qodobka kowaad ee sababi kara Furiinka Degdega ah waayo waxaa fiican in mudo ay wada socdaan lamaanaha si ay dhanwalba isku fahmaan oo ay u diyaar garoobaan Mas’uuliyada Guurka si Guriga ay aas aasayaan u noqdo mid waara oo uu alle ku irsaaqo ubad qeyr qaba.

2-Is barasho La’aan.

Labada lamaane ee doonaya in ay yegleelaan Qoys muslim ah oo wanaag san waxaa muhiim ah inta ay san is guursan in ay isbartaan isbarashada kaliya ma ahan magacaa halkee dagantahay iyo su’aalo lamid ah ee waxaan ula jeeda in Lamaanaha ay isku bartaan si shaqsi ah waxaana fiican in midba midka kale uu uso qoro dabeecadihiisa oo dhan waxa uu jecelyahay iyo waxa uu necebyahay si uusan u imaanin wax qilaaf ah waa inaad Lamaanahaaga ku tiraahdaa waxaan iyo waxaan waan jeclahay waxaan iyo waxaanna waan necbahay markaas Lamaanahaaga waxaa uu kaa ilaa linayaa waxa aad necebtahay wuxuuna kuu sameynayaa waxa aad jeceshahay.

3-Is Fahan Darro.

Is fahan darada waa qodobka sadaxaad ee sababikara Furiinka Degdega ah waxaana fiican in ay is fahmaan Lamaanaha si Guurkooda u noqdo mid xasiloon waxaa muhiim kuu ah inaad fahanto lamaanahaaga dabeecadihiisa dhaqankiisa iyo hamigiisa si uusan kugu arkin inaa tahay qof aan fahmeynin.

4-Isku Qasbid.

Waxaa mararka qaar dhacda in laysku qasbo labo qofood oo aanan is dooneynin oo si qasab ah leys kugu guuriyo taana waxey sababtaa in mudo yar kadib ay isku dhacaan wiilka iyo gabadha leysku qasbay ugu dambeynna ay kala tagaan waxaana arintaan sabab u ah waalidiinta dhalay ubadka oo iyaga fiirsada kaliya danahooda iyagoo ubadkooda ku qasbaya qof aysan dooneynin waxaana fiican In waalidiinta qeyr alle hasiyee ay ubadkooda  la tashtaan oo aysan iyaga kaliya go’aan iska qaadan.

5-Calafka oo Soo Dhamaado.

Qodobka shanaat ee ugu dambeeyo ayaa ah in Calafkiina uu soo dhamaado Guurkiina iyo mudada aad is qabteen waxey aheyd qadarta alle waxaana suuragal ah in intan uu ku ekaa calafkiina Labada qofood ii is qaba hadii ay is an fici wayaan oo buuqooda iyo dagaalkooda uu bato waxaa fiican in si wanaag ah ay ku kalatagaan iyagoo isku faraxsan waayo furiinka alle waxyaabaha uu uso dajiyay waxaa ka mid ah in labada qofood ee is anfiweysa ay ku kalatagaan si wanaagsan.

W/Q: Maxamed Axmed Lio teacherlio6666@gmail.com.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Recent Posts

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed

Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…

3 hours ago

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

7 hours ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

8 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

9 hours ago

Ciyaaryahan Marc Cucurella oo sharaxay sababta uusan u jarayn Tintiisa

Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…

10 hours ago

Maxay tahay fariinta Puntland ay u dirtay Galmudug?

War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa Galmudug loogu baaqay in ay ka waantowdo in saanad…

11 hours ago