Tababaraha Cusub ee kooxda Real Madrid Julen Loeptegui ayaa markii ugu horaysay ka hadlay mustaqbalka xiddiga 1-aad ee kooxdiisa ee Gareth Bale kaas oo si weyn loola xiriirinayo kooxda Man United tan ilaa bilowgii xagaagan kuwaas oo suuqa ugu jira xiddig garabka weerarka ka ciyaara.
Gareth Bale ayaa ku faraxsan kooxda Real Madrid mana jirto meel uu ka tagayo xagaagan sida uu xaqiijiyay tababaraha kooxda ee Julen Loeptegui.
Bale ayaa lala xiriirinayay Man United xagaagan kadib markii uu khaati ka istaagay kaydkii uu dhigayay tababare Zinedine Zidane laakiin Julen Loeptegui ayaa sheegay in uu sii joogi doono Bernabeu.
Markii wax laga waydiiyay Bale Julen Loeptegui ayaa ku jawaabay” Aad iyo aad ayuu u faraxsan yahau in uu u sii ciyaaro Real Madrid”.
“Aad ayuu ugu faraxsan yahay in uu sii joogo halkan waana fursad fiican in uu muujiyo tayadiisa”.
“Waan la hadlay isaga, waxa aan sidoo kale la hadlay cid walba oo kooxda ah, aad ayuu ugu faraxsan yahay saaxiibadii, waxa uu muhiim u noqon doonaa bilowga mashruuc xiiso leh”ayuu sii raaciyay.
Warkan ayaa dhirbaaxo kale ku noqonaya tababare Jose Mourinho oo xagaagan si weyn ugu dhibaatoonaya suuqa kala iibsiga aan xiddigo badana kooxdiisa ku soo darin.
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…