Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka iyo kuwa TPLF inuu ka qarxay galbeedka gobolka Tigrey.
Masuul sare oo ka tirsan jabhadda TPLF, Amanuel Assefa, ayaa sheegay in ciidanka dawladda federaalku ay weerar ballaaran ku soo qaadeen fariisimahooda.
Waxa uu intaas ku daray in dagaalku uu wali socdo, isla markaana la isku adeegsanayo madaafiicda culus iyo ciidanka lugta.
Xaaladda deegaanka lagu dagaallamayo Dagaalkan ayaa ka socda aagga lagu muransan yahay ee Galbeedka Tigray, kaas oo ay hadda maamulaan dadka u dhashay gobolka dariska ah ee Amxaarada.
Muddooyinkii u dambeeyay, labada dhinac ayaa waday dhaqdhaqaaqyo hub aruursi, iyadoo midba kan kale ku eedeyanayo hurinta dagaalka.
Gobolka Tigrey oo ay ku nool yihiin 6 Milyan oo qof ayaa wuxuu ka soo kabanayay dagaal ka dhacay sanadihii u dhaxeeyay 2020 ilaa 2022.
Dagaalkaas oo u dhaxeeyay Ciidamada Federaalka Itoobiya iyo Xoogaga TPLF ayaa galaaftay nolosha in ka badan 600,000 oo qof.
Mustaqbal
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…
Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…
Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…