Last News

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga Midowga Haybad Qaran, ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqay inuu isaga baxay xubinnimadii isbahaysigaas iyo gabi ahaanba wada-shaqayntii Golaha Mustaqbalka.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Xisbiga Awoodda Shacabka oo uu hoggaamiyo Guddoomiye Thabit Abdi Maxamed, ayaa lagu faahfaahiyay sababaha keenay go’aankan xilli xasaasi ah oo uu dalku marayo.

Xisbiga ayaa tilmaamay in sababta ugu weyn ee uu u qaatay go’aankan ay tahay warqad ka soo baxday Golaha Mustaqbalka oo ku taariikhaysnayd 28-kii July 2026.

Warqaddaas ayaa lagu soo jeediyay in la sameeyo ‘Gole Ku-meel-gaar ah’ oo la wareega talada dalka.

Xisbiga Awoodda Shacabka ayaa ku tilmaamay soo-jeedintaas mid ka dhigan mas’uuliyad darro iyo isku day dib loogu celinayo dowladnimada Soomaaliya 15 sanno oo dib u dhac ah.

Xisbiga ayaa caddeeyay inay mar walba aaminsan yihiin in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo hannaan nabadeed iyo wada-tashi Soomaaliyeed, balse aysan aqbali doonin tallaabo kasta oo wiiqaysa dowladnimada rasmiga ah ee dalka.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka Xisbiga Awoodda Shacabka

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

2 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

7 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

9 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

10 hours ago

RW Lubnaan “Xasiloonida Lubnaan waxa ay ku xiran tahay in ciidankeeda ay si buuxda u tagaan Xuduudaha oo dhan”

Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…

10 hours ago

Maamulka Puntland oo maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu Dowlad-Goboleed noqday

Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…

12 hours ago