Gen. Thomas D. Waldhauser
War ka soo baxay Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in isbeddel lagu sameeyay joogitaanka Ciidamada Mareykankae e Qaaradda Afrika.
Mareykanka ayaa sheegay in Ciidamada dhulka ee Mareykanka la kurdhiyay sidoo kalena la siiyay qalab casri ah si aanay khasaare uga soo gaarin weerarrada iyaga ka dhanka ah.
Ciidamada ayaa la siiyay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ka badan kuwii hore,waxaa kale oo la siiyay Gaadiidka Gashaman ee aanay Xabadda Karin,waxaana sidoo kale si taxaddar leh looga fakarayaa marka ay ka baxayaan xeryaha ay ku leeyihiin Qaaradda Afrika.
Taliyaha Ciidanka Mareykanka ee Afrika Thomas D. Waldhauser told , ayaa sheegay wixii ka dambeeyay weerarkii Niger ee lagu dilay 4ta Askari ee Mareykanka ahba uu Mareykanka dib u eegis ku sameeyay howlgalka islamarkaana waxa ka soo baxay ay noqtay in xoogga la saaro bedqabka Ciidamada Mareykanka ee ka howlgala Afrika.
Waxaa uu Jeneraalku sheegay in Caqabadaha dhinaca amaanka ee Afrika ay aad u sarreeyaan laga billaabp Daacishta Galbeedka Afrika iyo Al-shabaabka Bariga Afrika,waxaa uu xusay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay qeyb weyn ka qaadan doonaan howlgalka,waxaa kale oo uu sheegay in ay xogta saaxiibada sameyn doonaan si qaab wadajir ah amniga looga wada shaqeeyo.
Waxaa uu intaas ku daray in Mareykanka uu fasax u heysto kaliya in Weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka fuliyo Liibiya iyo Soomaaliya kaliya.
Waxaa uu Jeneraal Thomas D. Waldhauser told , intaas ku daray in Mareykanka uu dayactirayo Saldhigga Mareykanka uu ku leeyahay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dakar ee Dalka Senegal ,waxaa ay u adeegsan doonaa xaaladaha deg degga ah ee galbeedka Afrika iyo ka hortagga cudurka Ebola.
Waxaa uu intaas ku daray in Mareykanka uusan marna dooneyn in uu noqdo hoggaanka amniga ee Waddamada AFrika,hayeeshee uu saaxiibada ka caawinayo dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…
Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…