Categories: DIBADDA/CIYAARAHA

AC Milan iyo Juventus oo isla meeldhigay heshiiska Gonzalo Higuain.

Walaalka la dhashay Weeraryahanka Gonzalo Higuain ahna wakiilkiisa ayaa lagu soo waramayaa in uu ku sugan yahay Milan isaga oo wadahadalo kula jira agaasimaha cusub ee kooxda Ac Milan ee Leonardo.

Sida laga soo xigtay Sky Sport Leonardo ayaa la kulmay wakiilka Gonzalo Higuain maanta galabnimadii isaga oo isku dayaya in uu ku qanciyo in uu xiddigu ku biiro kooxda San Siro.

Warkan ayaa soo baxaya kadib markii ay soo bexeen warar sheegaya in uu shaki ku jiro heshiiska amaahda ah ee uu 30 jirkan ugu biirayo kooxda San Siro.

Saxafiga Romeo Agresti ayaa intaas ku daraya in labada kooxood ka heshiiyeen heshiis amaah ah oo ay Ac Milan marka hore bixin doonto 18 Milyan oo euro iyo 36 milyan oo xagaaga ah.

Warkan ayaa dhirbaaxo ku noqonaya kooxda chelsea oo si weyn ugu raad joogta saxiixa xiddigan doonaysana in ay dib ula midoobayso taabbare Maurizio Sarri.

Haatan kooxda Ac Milan ayaa isku dayaysa in ay heshiiska shaqsiga ah la gaarto xiddiga iyaga oo ku rajo weyn In ay heshiiska shaqsiga la gaari doonaan xiddiga.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Recent Posts

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

31 mins ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

1 hour ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

6 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

8 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

9 hours ago

RW Lubnaan “Xasiloonida Lubnaan waxa ay ku xiran tahay in ciidankeeda ay si buuxda u tagaan Xuduudaha oo dhan”

Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…

9 hours ago