Ilhan Cumar oo ku guuleystaya kursi ka mid ah Kongareeska Mareykanka.

Ilhaan Cumar oo ah Gabadha Soomaalida ah ee u tartameysay ka mid noqoshada Golaha Kongareeska Mareykanka ayaa doorashadii ka dhacday dalkaasi ku soo baxday Kursiga.

Ilhaan oo guusheeda kaddib la hadashay taageerayaasheeda ayaa sheegtay in 20 Sano ka hor markii ay Mareykanka tageysay ku socotay riyooyin kala duwan iyo ballanqaadyo xilligaas Mareykanka kana dhabaeysay.

Waxaa ay sheegtay in ay matali doonto dhamaan dadka kala duwan ee Gobolka Minnesota ee ay dadkiisu mataleyso.

Ilhaan ayaa tagi doonta caasimadda Mareykanka,waxaana ay noqotay qofkii ugu horreeyay ee soogalooti ku gala Mareykanka islamarkaana ka mid noqda Golaha Kongareeska Mareykanka.

Waxaa intaas u dheer in ay tahay Gabar Soomaali ah,Muslim ah,sidoo kalena  ka soo jeeda Afrika oo ka mid noqota Aqalka hoose ee Mareykanka.

Dhinaca kale Maxamuud Nuur oo isna ah Soomaali u tartamayay xaafad ka mid ah Minnesota ayaa ku guuleystay kursigii uu u tartamayay.

Mustaqbal media

Recent Posts

Maxaa looga hadlay kulanka Golaha Wasiirrada XFS?

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda toddobaadlaha ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyadoo lagu…

8 hours ago

Soomaaliya ma u diyaarsan tahay doorasho qof iyo cod ah?

"Soomaaliya uma baahna oo keliya sanduuq codbixin, waxay u baahan tahay muwaadin rumeysan in codkiisu…

8 hours ago

Maamulka Puntland oo xaqiijiyay in ay la wareegeen Xeradii Ciidanka PSF ee Boosaaso

War-saxaafadeed ka soo baxay Ciidamada Booliiska Dowlad Goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in ay la…

11 hours ago

Madaxweynaha Nigeria oo Mushaarka u kordhiyay Askarta dalkaasi

Madaxweynaha dalka Nigeria, Bola Tinubu, ayaa amar ku bixiyey in la kordhiyo mushaarka ciidanka milateriga…

11 hours ago

Ciidamada PSF oo isaga baxay xeradii ay kaga sugnaayeen Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…

13 hours ago

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

1 day ago