Qabiillo ku dagaallamay duleedka Gaarisa

Ugu yaraan 3 Qof ayaa ku dhintay halka daraasiin kale ay ku dhaawacmeen kaddib markii degaanka Isiolo ay ku dagaallameen Qabiillo ka soo kala jeeda Soomaalida iyo Kenyaanka.

Degaanka Isiolo ee duleedka Gaarisa ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay waxaa ku dagaallamayay labada qabiil eek ala ah Ogaadeen iyo Booran,waxaana ay iska dileen tiro dad ah.

Inta badan dagaalkooda ayaa ku saleysan dhulka iyo lahaanshaha degaanka,waxaana Xildhibaannada  labada dhinac eek u jira golayaasha degaanka iyo Dowladda dhexeba ku eedeeyeen dowladda Kenya in aysan daacad ka ahayn  joojinta dagaalka u dhaxeeya labada qabiil.

Victor Kamonde, oo ah Guddoomiye ku xigeenka degaanka Garbatulo ee Gobolka Isiolo ayaa sheegay in dagaalka u dhaxeeya labada qabiil uu socday tan iyo 2015kii Dowladda dhexena ay ku fashilantay in ay wax ka qabato.

Ciidan laga kala xulay Degaannada Gaarisa iyo Isiolo ayaa loo xilsaaray xaqiijinta amaanka degaanka iyo kala dhex gelidda malleeshiyo beeleedyada ku dagaallama degaankaas laakiin wali kuma aysan guuleysan in ay kala celiyaan qabiillada oo dhowr  jeer dagaallamay dadna iska dilay.

 

Mustaqbal media

Recent Posts

Maxaa looga hadlay kulanka Golaha Wasiirrada XFS?

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda toddobaadlaha ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyadoo lagu…

7 hours ago

Soomaaliya ma u diyaarsan tahay doorasho qof iyo cod ah?

"Soomaaliya uma baahna oo keliya sanduuq codbixin, waxay u baahan tahay muwaadin rumeysan in codkiisu…

7 hours ago

Maamulka Puntland oo xaqiijiyay in ay la wareegeen Xeradii Ciidanka PSF ee Boosaaso

War-saxaafadeed ka soo baxay Ciidamada Booliiska Dowlad Goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in ay la…

10 hours ago

Madaxweynaha Nigeria oo Mushaarka u kordhiyay Askarta dalkaasi

Madaxweynaha dalka Nigeria, Bola Tinubu, ayaa amar ku bixiyey in la kordhiyo mushaarka ciidanka milateriga…

10 hours ago

Ciidamada PSF oo isaga baxay xeradii ay kaga sugnaayeen Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…

12 hours ago

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

24 hours ago