Hooyo gabadheeda ku iibsatay $3,000 oo dollar, si ay Ubadka kale u quudiso!.

Dalka Afghanistan dadka waxaa ay Gobollada qaar marayaan in ay iibiyaan ubadkooda si ay u nooleeyaan Ubadka intiisa kale.

Akila yariiseey, ma oga in la iibiyay, laakiin wax dooq ahba malaha, reerkeedi ayaa macluul y dhimanaya.

Waxaa ay ka midyihiin kumanaan qof oo la halgamaya abaarta,iyo Colaadda ka jirta dalkooda,waxaana ay isaga tagayaan guryahooda dhibta heysata darteed.

Akila ,waxaa laga iibiyay Nin heysta wiil 10 jir ah,waxaana lagu iibsaday $3,000 (Saddex Kun oo dollar).

Laakiin Hooyadeed  Mamareen lacagtaas sadano ma arkin,sababta oo ah Ninka laga iibiyay Akila ayaaba ka mid ah dadka Faqiirka ah,waxa kaliya ee Hooyo Mamareen, soo gaaray ayaa ah $70 Doollar.

Waxaa jira sheekooyin badan oo naxdin leh oo ka dhacay Gobolka Badghis ee dalka Afghanistan, Qoysasku waxaa ay wajahayaan nolol adag, mana laha fursado kala doorasho.

Sheekooyinkaas waxaa ka mid ah Garab afar jir ah ayaa laga iibiyay Nin 20 jir ah si loogu deyn boxo, oo uu beddelkii deynta Gabadha u qaatay.

Hooyo Mamareen , oo ay ilmada ka socoto ayaa tiri “ waxaa ay iila mid tahay aniga oo iibinaya qeyb ka mid ah wadnaheyga,”.

Odaygeedii waxaa ay ku weysay dagaalka ka socda Afghanistan, hadda waxaa ay ku nooshahay  Magaalada tent , oo ah goob ay si KMG ah u degaan Barakacayaasha ka soo cararay guryahooda.

“waxaan halkan u imid si aan lacag u helo, laakiin wali ma arag caawinaad” ayey u sheegtay CNN.

“ma hayo Lacag, Cunto, iyo qof na caawiyo,toona”.

Qaramada Midoobey waxaa ay sheegtay in 20 ka mid ah 34ta Gobo lee Dalka Afghanistan ay dadka wajahayaan nolol adag, oo ka dhalatay abaarta iyo colaadda.

Sultana, oo 24 jir ah,waxaa ay dhawaan aastay Gabar yar oo saddex bilood jirtay markii ay u geeriyootay Qabow iyo Baahi,waxaana xeer kulka Qabowga degaankooda uu gaaraa Habeenkii Eber,mana heystaan wax ay kaga gambadaan.

“waxaanu ka baqeynaa in Qabowga iyo Baahida ay xilliga jiilaalka Carruurta ku sababi doonaan xanuunno kala duwan,sababaanna geeri aan laga hortagi Karin”, sidaas waxaa tiri agaasimaha Hay’adda NRC ee Afghanistan Chris Nyamandi.

Isha: Newyor Post

Turjumay: Adam Ibrahim Farah (Showqi).

Mustaqbal Radio

Mustaqbal media

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

8 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

11 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

12 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

13 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

13 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

14 hours ago