Gudoomiyaha Wanlaweyn oo lagu eedeeyey in uuhub ka iibiyay Maleeshiyo Beeleed.

Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa ka taagan Xiisad u dhaxeysa Labo Maleeshiyo beeleed.

Dadka deegaanka ayaa ka barakacay Deegaankooda, kadib markii dagaalka oo Miyiga kasoo bilawday uu ku fiday Degmada Wanlaweyn.

Xildhibaan Aadan Cabdi Faarax oo kamid ah  Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo la hadlay Mustaqbal ayaa sheegay in Gudoomiyaha Wanlaweyn ay ciidamada Dowladda ku qabteen hub uu u iibiyay dhinac kamid ah Maleeshiyaadka Magaalada ku dagaalamaya, oo sida uu sheegay uu qaarkood metelo deegaanada ay ka soo jeedaan

Xildhibaan Aadan ayaa sheegay in Nidaamka Federaalka uu kala qaybiyay Gobolada Shabeelooyinka, balse dhinac kamid ah Beelaha ku dagaalamaya Wanlaweyn ay beeshiisa tahay, sidaa awgeedna uu ka gaabsan waayay waxyaabaha halkaa ka jira.

Hoos ka dhageyso Wareysiga Xildhibaan Aadan Cabdi Faarax.

Dhanka kale Mustaqbal Radio waxa ay la xiriirtay Maxamed Siidow Cabdiraxmaan oo ah Gudoomiyaha Degmada Wanlaweyn, balse kama jawaabin Wicitaankeena.

La soco wixii kasoo kordha.

Mustaqbal media

Recent Posts

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

2 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

3 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

4 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

4 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

5 hours ago

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

22 hours ago