Guddiga Doorashada Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed ee 21-kii Oktoobar ay u codeeyeen Baarlamaanka Maamulkaas ayaa maanta soo saaray Habraaca iyo Shuruudaha Doorashada.
Waxa ay sheegeen in qof waliba oo hami ugu jiro qabashada Xilka Madaxweynaha in ay ogolaadaan u hogaansanaanta Shuruudaha ay soo bandhigeen.
Qofka Musharaxa ah waxaa la dul dhigay Lacag dhan (Labaatan Kun oo Doolar) $20,000, halka Haweenka laga doonayo Bixinta Toban kun oo Doolar ($10,000), da’da Musharaxane aan ka yaraan 40-sano.
Xiliga diiwaan gelinta ayay Guddiga Sheegeen in ay socon doonto 4-ta illaa 8-ta Bishaan, 10-ka November waxaa kulan is xog wareysi ah yeelan doono Guddiga, halka 11-ka iyo 12-ka la dhageysan doono khudbadaha Musharixiinta is diiwaan gelisa.
Guddiga ayaa go’aan ku gaaray in Doorasahda ay ka dhacdo Xarunta Golaha Wakiilada Koofur Galbeed, waxa ay taasi Meesha ka saareysaa Damacii Shariif Xasan ee ahaa in lagu qabto Xarunta Wasaaradda Qorsheynta oo ku dhex taalla Madaxtooyada.
13-ka illaa 16-ka Guddiga iyo kormeerayaasha Doorashada ayaa ka kulmi doono Doorashada oo dhici doonto 17-ka Bishaan November sida ku xusan Warqadda Habraaca guddiga.
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…
Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…
Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…