Dowladda Eritrea ayaa la sheegayaa in Todobaadkan gudahiisa ay dib ugu soo biireyso Urur Goboleedka IGAD ee ay xubnaha ka yihiin Waddamada Bariga Afrika.
Wakiilka IGAD ee koofurta Suudaan Ismail Wais,ayaa sheegay in Todobaadkan xaflad ay heshiis kama dambeys ah ku kala saxiixanayaan dhinacyada Koofurta Suudaan oo ka dhaceysa Adis ababa ay Eritrea isla munaasibaddaas kaga mid noqoneyso IGAD.
Eritrea ayaa xubinnimadeeda IGAD joojisay 2007dii,waxaa ay dib ugu soo laabatay 2011kii,haddana waxaa ay mar kale dib uga laabatay sanadkii la soo dhaafay ee 2017kii.
Wasiirrada arrimaha dibadda IGAD ayaa 11ka ilaa 12ka Bishan ku kulmaya Adis ababa waxaana xigaya kulanka Madaxweynayaasha IGAD.
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…