Kooxda Real Madrid ayaa qorsheyneysa in ay dalab ula tagaan Man City oo ay ka doonayaan mid ka aha ah xiddigaha kooxdaas marka suuqa kala wareegga uu furmo biloowga sanadka cusub .
Wargeyska The Sun ayaa sheegaya in Real ay isha ku hayaan Brahim Díaz kaasi oo 19 sano jir ah.
Laacibakas reer Spain ayaa City yimid sanadkii 2016-ka xilligaas oo uu ka soo wareegay kooxda reer Spain ee Malaga .
Da`yarkaas ayaa leh mustaqbal wacan balse City waxa uu kaliya u saftay 12 kullan oo ah kooxda koowaad .
Brahim Díaz waxa uu xilli ciyaareedkii hore kaliya ka ciyaaray horyaalka Ingiriiska 5 kullan , waxa uuna hishiiskiisa dhacayaa June sanadka 2019-ka .
Real ayaa si dhab ah u dooneysa laacibkaas oo lagu waramayo in City ay ka xaal wareysteen waxa ayna doonayaan in ay ka faa`ideystaan xaaladda laacibka oo weli aan lala furin hishiis kordhin.
Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku dhowaaqay bandow guud oo lagu soo rogay dhammaan magaalooyinka…
Booliska dalka Kenya ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan shan askari oo ka tirsan ciidamada amniga…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Masjidka Barakaysan ee Al-Aqsa, waxa…
Howlgalkii ugu dambeeyay ee Ciidamada Dowladda Federaalka gaar ahaan Kumaandooska Gorgor ay ka sameeyeen deegaanno…
Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay War hadal hayn dhaliyay oo ku saabsan in ay leedahay…