Madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo K.Galbeed oo codsi gaar ah u diray dowladda Somaliya.

Madaxweynayaasha Maamu Goboleedyada Hirshabeelle iyo Koofir Galbeed Maxamed Cabdi Waare iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa codsi gaar ah u diray dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle oo hadlayay kaddib shirkii Kismaayo ugu soo gaba gaboobay ayaa sheegay in shacabka degaannada Hirshabeelle ay kula xisaabtamayaan amaanka waddada u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar,isaguna uu ka codsanayo dowladda Federaalka ah in ay waddadaas u furto.

Waxaa uu sheegay in marka Dadka Hirshabeelle ay codsi weydiistaan isaga uu isaguna dowladda Federaalka ah weydiisanayo in ay howshaasi qabato.

Dhinaca kale Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dowladda Federaalka ah ka codsaday in ay ka caawiso dib u furidda Waddooyinka Muqdisho iyo Baydhaba,iyo Muqdisho iyo Baraawe.

Shariif Xasan ayaa sheegay in dadka degaannada Koofur Galbeed ay ku dhib qabaan waddooyinkaas,waxaana uu dowladda ka codsaday in ay fuliso  ballamihii hore ee ahaa in la furo waddooyinka muhiimka ah.

Al-shabaab ayaa maanta labo weerar ka kala geystay degaannada Makuuda iyo Sabbuun oo ka kala tirsan Gobollada Bay iyo Shabeellaha dhexe waxaana ku dhintay Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Mustaqbal media

Recent Posts

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

16 hours ago

Maamulka Cirro oo Fannaanka BK ka hor istaagay inuu u safra Garoowe

Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…

17 hours ago

Maxaa diirada lagu saarey Shirka Golaha Wasiirrada ee XFS?

Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…

17 hours ago

Maxay ka wada hadleen MW Xasan Sheekh iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…

19 hours ago

Taliyaha Ciidanka Uganda oo ku baaqay in Ciidanka AUSSOM sii joogaan Soomaaliya

Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku baaqay in Ciidamada Howlgalka…

19 hours ago

Abaar iyo biyo yaraanta ka jirta qeybo kamid ah dalka UK

Wakaaladda Deegaanka ee dalka Ingiriiska ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday abaar ka jirta qeybo…

21 hours ago