Ugu yaraan 7; ka mid ah Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa lagu dilay weerarro saacadihii la soo dhaafay ka dhacay Gobollada Shabeellaha dhexe iyo Baay ee ka kala tirsan Maamul Goboleedyada Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed.
Weerarrada ayaa ka kala dhacay degaannada Sabbuun oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha dhexe iyo Degaanka Makuudda oo ku yaalla duleedka Magaalada Baydhaba.
Al-shabaab ayaa sheegtay in labo ka mid ah Ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku dileen Buundada Sabbuun ee u dhaxeysa Jowhar iyo Mahaddaay kaddib weerar ay ku qaadeen degaankaas,islamarkaana ay ka qaateen Hubkii ay wateen.
Waxaa ay Al-shabaab sheegatay in ay la wareegtay degaanka Sabbuun,ciidamada dowladda Soomaaliyana isaga baxeen weerarka kaddib.
Dhinaca kale saraakiil ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed ayaa xaqiijiyay in shan ka mid ah Ciidamada dowladda Soomaaliya lagu dilay weerar lagu qaaday degaanka Mabuudda oo ku taalla duleedka Garoonka Shaati Guduud ee Baydhaba.
Waxaa halkaas ku dhintay shan Askari,waxaana uu sarkaal ka tirsan Koofur Galbeed sheegay in weerarkaas xalay dhacay Al-shabaabna qaateen Hubkii askarta la dilay.
Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…
Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…
Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…
Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku baaqay in Ciidamada Howlgalka…
Wakaaladda Deegaanka ee dalka Ingiriiska ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday abaar ka jirta qeybo…