Daanyeerkaan ayaa xaday wiil yar oo 2 sano jir ahaa waxa uuna geestay meel cidlo ah oo jid dhiniciisa ah si uu ula ciyaaro.
Dadka deegaanka ayaa isku dayay in ay wiilka yar ka reebaan daanyeerka oo ay u celiyaan qoyskiisii oo baadi goobayay
Haweeney ka mid ah dadka deegaanka ayaa isku deydey in ay wiilka yar ka qaado daanyeerka kala soo tagay qoyskiisii wiilka yar.
Balse daanyeerka ayaa marwaliba oo la isku dayo in wiilka loo soo dhawaado gashanayay laabta si aan looga qaadin wiilka yar ee uu la soo baxsaday.
Daanyeerka ayaa sidoo kale isku dayay dhowr jeer in uu la sii baxsado wiilka yar lakiin dadka deegaanka ayaa isku hareereyay si aanu ula baxsan wiilka yar maadaama wiilka ehelkiisu baadigoobayaan.
Qofka kamid ah dadka deegaanka ayaa mooliska kiisa kaga qaaday muuqaal iyo sawiro muujinaya sida daayeenku laabta ugu heysto wiilka yar ee uu doonayo in uu ku ciyaaro.
Wiilka yar ayaa isagana u muuqday in uu ku faraxsan yahay la joogida daanyeerka oo uu isagabu la ciyaaraayay.
Sanadkii hore ayey aheyd markii cunug yar laga heley meel ceel biyood agtii ah kaas oo uu fogeeyay daanyeer ka soo qaaday hoygiisii.
Isha: Daily Mail.
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…