GUDAHA/wararka

Ruushka oo lagala dagaalamayo Baraha Bulshada.

Dagaalka Ruushka uu ku qaaday Ukraine 24-Febaraayo-2022 oo galay maalintii 17aad ayaa sababay dhimasho, dhaawac, Barakac iyo burbur xooggan oo soo gaaray Dalkaas halka weli duqeyn ku socoto Magaalooyin dhowr ah.

Mareykanka iyo xulufadiisa oo dagaalka kahor Ukraine u muujiyay in ay ka gacansiinayaan ka falcelinta haddii Ruushka uu weeraro ayaa ficil sameyn marka laga reebo “Cambaareyn, Dhaliilid & xayiraad” lagu soo rogay Moscow.

Ka falcelinta Dagaalka Ruushka oo ka dhalatay go’doomin dhaqaale ayaa marxalad kale gashay kaddib markii Shirkaha Baraha Bulshada ay soosaareen go’aamo lagu joojinayo hanjabaadda Moscow & guulaha ay ka gaarto Dagaalka Ukraine.

YouTube ayaa go’aan ku gaartay in ay joojiso baahinta muuqaallada Ruushka si loo tusiyo Xukuumadda Moscow qayb kale oo ah falcelinta ka dhalatay Duullaanka uu ku qaaday waddanka ay xad-wadaagga yihiin ee Ukraine.

Alphabet Inc (Google) ayaa ku dhawaaqday in ay hoos u dhigeyso macluumaad ay ku tilmaamtay in ay yihiin “Marin Habaabin” si looga hortagana ay joojin doonto xogaha ka imaanaya dhanka Ruushka.

Dhanka kale, Dowladda Ruushka ayaa ku dhawaaqday in Isniinta oo ku beegan 14ka Maarso 2022 wixii ka dambeeya la jari doono Adeegsiga Instagram sabab ka dhalatay faafinta warar “Been abuur ah” oo la xiriira khasaaraha ka dhashay dagaalka Ukraine.

Madaxa Instagram Adam Mosseri oo dhanka kale ah Ganacsade ayaa sheegay in go’aankaan uu saameyn taban ku reebayo 80 Milyan oo ruux oo rukun ah kuna nool Dalka Ruushka sida uu ku yiri qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

3 hours ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

4 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

5 hours ago

Ciyaaryahan Marc Cucurella oo sharaxay sababta uusan u jarayn Tintiisa

Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…

5 hours ago

Maxay tahay fariinta Puntland ay u dirtay Galmudug?

War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa Galmudug loogu baaqay in ay ka waantowdo in saanad…

7 hours ago

Iiraan oo Ukraine ugu hanjabtay inay jawaab ka siin doonto Markabka ay ku beegsatay Badda Caspian

Dowladda Iiraan ayaa si caro leh uga hadashay weerarkii Ukraine ay ku beegsatay mid kamid…

8 hours ago