Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay in Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa uu ugu hambalyeynayo kursiga Tirsigiisu yahay HOP#069.
Al-Cadaala ayaa Gaalkacyo u tagay u tartamidda kursigaan iyada oo aad loogu badaniyey in uu ku soo baxaayo maaddaama uu haystay fursadda ah in uu ku cusub yahay tartanka golaha shacabka iyo in Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo ku fadhiyay Baarlamaanadii 9aad iyo 10aad
Kursigaan ayaa doorashadiisa lagu waday in ay dhacdo maanta oo ah 12ka Maarso 2022 balse SEIT Galmudug ayaa dib u dhigay isaga oo shaaciyey in la qabanayo doorashada 13ka Maarso 2022 oo ku beegan Axadda inkasta oo uu yaraanayo loolankii adkaa ee la sadaalinayay.
“Waxaan halkaan uga hambalyaynayaa Adeerkeey Abdurahman Mohamed Hussein oo noqonaya Xildhbaanka I matalidoona afarta Sano ee soo socota insha allaah. Waxaan umahadcelinayaa dhamaan saaxiibadii mudada ka badan labada Sano igala shaqaynayay Ololahayga” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Warfaafinta XFS Cabdiraxmaan Al-Cadaala.
“Gacmaha ayaan isqabsanaynaa horay ayaanan usoconaynaa insha allaah” ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala.
Al-Cadaala ma sheegin in uu isu diiwaangelinayo Kursigaan iyo in uu isaga harayo maadaama uu u hambalyeeyay musharixii uu kula tartami lahaa HOP#069 oo maanta la diiwaangelinayo si doorashada loo qabto berri oo ah 13-ka Maarso 2022.
Mustaqbal
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…
Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…
Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…
Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…
War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa Galmudug loogu baaqay in ay ka waantowdo in saanad…