Bakhaar cunnada lagu keydiyo oo ku yaalla Magaalada Kyiv ayaa dad qabsaday kaddib markii uu haleelay mid kamid ah Gantaallada culus ee uu Ruushka ku garaacayo dalka Ukraine sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.
Kooxaha Dab damiska oo ku howlan deminta dabkaan ayaa sheegay in uu xooggan yahay balse ma sheegin waxyeello soo gaartay Dad, dedaalkoodana uu socdo si ay u damiyaan sida ay hadalka u dhigeen.
Ukraine waxaa maalintii 17aad ka socda duqeyn xooggan oo Ruushka ku rabo in uu ku qabsado guud ahaan Magaalada Kyiv oo uu kala kulmayo iska caabin uga imaaneysa Ciidanka Dowladda oo kaashanaya Dad u istaagay difaaca Dalkooda.
Dowladda Ukraine ayaa Ruushka ku eedeysay in uu burburinayo Goobaha muhiimka ah sida Garoomada Diyaaradaha, Isbitaallada & Bakhaarada keydka oo markii horay wax loogu keydiyay in looga gudbo xaaladaha adag marka ay dalka soo wajahaan.
Mustaqbal
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…
Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…
Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…
Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…
War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa Galmudug loogu baaqay in ay ka waantowdo in saanad…