GUDAHA/wararka

UK oo Shacabkeeda ka dalbatay in ay soo dhaweeyaan Qaxootiga Ukraine.

Dowladda Britain ayaa soo jeedisay in si aan kala-har lahayn loosoo dhaweeyo Qaxootiga Ukraine ee ku firxaday Qaaradda Yurub kaddib markii Ruushka uu xoojiyay duqeynta uu ku beegsanayo Dalkaas.

Qoraal kasoo baxay Dowladda UK ayaa lagu sheegay in Baaqa qaabilaadda Dadkaan uu ku socdo Dadweynaha Ingiriiska, Ganacsatada, Hay’adaha & Bulshada awoodda u leh in ay martigeliso qoysaskaan.

Dowladda ayaa Hay’adda Socdaalka Britain ka dalbatay in ay ka shaqeyso soo dhaweynta Dadka reer Ukraine oo si KMG ah loo siinayo Sharciga, Dadkaas ayaa qudhooda lagu wargeliyay in ay ogolaadaan in 6 bil ilaa la heynayo.

“Saraakiisha Laanta Socdaalka Britain ayaa ka shaqayn doona in ay qaxootiga Ukraine u gudbiyaan shakhsiyaadka ama Hay’adaha ku habboon in ay dib u dejin u sameyn karaan, waa in Dadkaasi qudhooda oggolaadaan in ay qaxoontiga Hayaan muddo 6 bil ah, sidoo kalena caddeeyaan in ay buuxin karaan shuruudaha ku habboon haynta qaxootiga” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dalalka Yurub ayaa dusha saartay soo dhaweynta Qaxootiga Ukraine, waddamada ugu badan ee qaabilay waa Dalalka Deriska la ah oo ay ka gudbeen Soohdinta, Bangiga adduunka ayaa dhawaan lacag ugu deeqay Ukraine si wax loogu qabtay.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.

Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…

7 mins ago

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed

Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…

4 hours ago

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

7 hours ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

8 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

9 hours ago

Ciyaaryahan Marc Cucurella oo sharaxay sababta uusan u jarayn Tintiisa

Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…

10 hours ago