Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban heer Dowlad-Goboleed ee SEIT Galmudug ayaa maanta bilaabay diiwaangelinta musharixiin u tartameysa saddexda kursi oo kala ah: HOP#095, HOP#038 & HOP#069 oo Doorashadoodu dhaceysa 13-ka Maarso 2022.
Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan (Ambassador Dhabancad) ayaa isu diiwaangeliyay u tartamidda Kursiga tirsigiisu yahay HOP#038, sidoo kale waxaa shahaadada musharaxnimo u qaatay Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe).
HOP#038: waxaa ku fadhiyay Axmed Macalin Fiqi, Wasiirkii hore ee Amniga DG Galmudug oo dhowaan si cad u sheegay in uusan kamid ahayn musharixiinta u tartameysa dib ugu guuleysiga kursigaan.
Maxamed Siciid Faarax ayaa qaatay shahaada musharaxnimo ee u tartamidda kursiga tirsigiisu yahay HOP#095 oo uu ku fadhiyo Cabdikariin Khaliif Cabdi Dhalac. Waxaa sidoo kale la diiwaangelinayaa musharixiinta HOP#095.
Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa kamid ah musharixiinta maanta Magaalada Gaalkacyo ku qaatay shahaadada musharaxnimo isaga oo u taagay dib u hanashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#069.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…
Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…
Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…
Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…