Dowladda Indonesia ayaa sheegeysa in khasaaraha ka dhashay Dhul Gariir ku dhuftay Jasiiradda Sulawesi uu kor u dhaafayo 400 oo qof oo dhimasho ah.
Dhul Gariirkan oo cabbirkiisu yahay 7.5 ayaa waxaa uu dhacay Jimcihii,waxaana sii kordhaya khasaaraha nafeed ee uu geystay.
Dhul Gariirka Xooggiisa waxa uu ku dhuftay Magaalada Palu, taas oo xarun u ah 350,000 oo qof.
Saraakiisha Caafimaadka waxaa ay sheegayaan in dadka dhaawaca ah ay faraha ka bateen islamarkaana lagu daweynayo meelo aan isbitaallo ahayn oo dawada loogu geeyay.
Afhayeenka Hay’adda la tacaalidda musiibooyinka Indonesia Sutopo Purwo Nugroho,ayaa sheegay in dhul Gariirkan uu khasaare xoog leh geystay.
Hay’adda saadaasha musiibooyinka Indonesia ayaa Jimcihii ka hor inta uusan dhulgariirka dhicin soo saartay digniin la xiriirta hayeeshee waxaa ay ka laabatay 34 Daqiiqo kaddib markii ay digniinta baahisay.
Dadka Degaanka ayaa aad ugu dhaliilay Hay’adda sida ay uga laabatay qatar bulsho ku wajahan oo ay heysay.
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…