Waxaa cwa dib loo ciyaaridoonaa kulanka adage e Derby Madrid kaa oo cwa ay wada ciyaari doonaan kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid.
Los Blancos ayaa Qasaaro xun kala soo laabtay Sevilla kulankii ay la cayaartii bartamaha todbaadkii hore horyaalka La Liga, Balse tijaabo adag ayay ku mari doonaan Garoonkooda Bernabeu marka ay marti qadaan Dariskooda Atletico.
Tartanka: La Liga:
Waqtiga: 09:45 pm ( SGA )
Garsooraha: Juan Martínez Munuera:
Garoonka: Santiago Bernabeu:
Wararka Ladaba Koox:
Daniel Carvajal ayaa qaba dhawaac, laakiin waxaa laga yabaa inuu cayaaro kulanka Atleti.
Marcelo ayaa dhaawac looga saaray cayaartii Real Madrid ee bartamaha asbuucii hore, taa micnaheeda Nacho ayaa la arki karaa inuu ka dheelo dambeedka bidix.
Casemiro ayay suuragal tahay inuu noqdo halboolaha qadka dhexe, halka Isco uu wajaho waqti kabasho ah kadib markii lagu sameyay qaliin.
Jose Gimenez ayaa ka canabaya dhibaato yar oo muruqa ah, laakiin lama filayo in taa ay ka joosijo cayaar sidaan u weyn oo ka dhan ah Real Madrid.
Rodri ayaa la filyaa in loo magacaabo qadka dhexe ee kooxda martida ah ee Atletico.
Lucas ayaa qar u saaran inuu booska garab bidix ee daafac kala wareego Filipe Luis waana xulashada Diego Simeone.
Xaqiiqooyinka Kulanka:
Kulanka maanta dhexmaraya labadaan koox waa ciyaartii 163-aad oo ay ku kulmaan horyaalka La Liga. Los Blancos ayaa hogaanimeysa dhan guulaha waxyna badiyeen 86 kulan Atletico 39, iyo 37 cayaar oo ku dhamaaday barbaro.
Labada koox ee Real iyo Atletico ayaa dhaliyay seddax gool afartii dheel ee isugu dambeysay.
Afar kamida shantii cayaar ee ugu dambeysay oo ay horyaalka ku kulmaan kooxahan ayaa ku dhammaaday barbaro, waxaana kamida labadii dheel eek al cayaartii lasoo dhaafay.
Atletico ayaa guuleysatay kulankii ugu dambeyay ee kooxahan waa cayaartii Uef Super Cup oo ay ku badiyeen 4-2 horaantii xagaagan, sido kale waa guuldarro la’aan mid kasta oo kamida shantii kulan oo ay booqdeen garoonka Bernabeu kulamada Horyaalka Sare ee Spain.
Safafka Macquulka ah.
Real Madrid: Courtois Odriozola, Ramos, Varane, Nacho; Modric, Casemiro, Kroos; Asensio, Benzema, Bale.
Atlético Madrid: Oblak; Juanfran, Gimenez, Godin, Hernandez; Lemar, Saul, Thomas, Koke; Griezmann, Costa.
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…