Xidiga dhawaan galka ah ee kooxda Juventus C. ronaldo ayaa war farxad leh ka helay UEFA oo ah in loo ogolaaday in uu ciyaaro kulanka United.
Xiriirka kubada cagta Yurub ee UEFA ayaa go,aan ka soo saartay kaarkii casaa ee uu xiddiga Cristiano Ronaldo ku qaatay kulankii Champions League ee ay Juventus guusha ka gaartay bilowgii tartanka champions league.
UEFA ayaa go,aansatay in uu Cristiano Ronaldo hal kulan ku seegi doono ganaaxa taas oo ah kulanka ay salaasada dambe kooxda Juventus la ciyaari doonto Young Boys kulanka 2-aad ee wareega Group-yada champions League.
Taas oo la macno ah in uu Cristiano Ronaldo ka hor tagi doono kooxdiisii hore ee Man United kulanka Old Trafford ka dhici doona 23 Bisha October xilli laga cabsi qabay in uu xiddigu seegi doono kulanka ay Juventus la ciyaari doonto kooxda Man United.
Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa kaarka cas qaatay kulankii Valencia daqiiqadii 30-aad kadib markii uu timaha jiiday xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Valencia.
Xiriirka kubada cagta Yurub ayaan arintaas u qaadan in uuna Ronaldo wax dhib ah u gaysan xiddiga kooxda Valencia waxana ay go,aansadeen in uu kaliya hal kulan ganaax ku maqnaado.
Cristiano Ronaldo ayaa haatan ka hor tagi doona kooxdiisii hore ee Man United isaga oo raadin doona in uu dhaliyo goolkiisii ugu horeeyay ee champions League xilli ciyaareedkan.
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…