Xildhibaan katirsan Hirshabelle oo lagu dilay qarax ka dhacay Muqdisho.

Wararka naga soo gaaraya degmada Xamar weyne ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in goordhow Qarax lagu dilay Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Hirshabelle.

Xildhibaanka la dilay oo lagu magacaabi jiray, Cabdiweli Maxamed Ibraahin, ayaa xiliga la qarxinayay waxa uu marayay meel aan ka fogeyn Beerta nabad oo nawaaxigeeda ay buux dhaafiyeen Ciidamo katirsan Dowladda Somaliya.

Cabdiweli Maxamed Ibraahin, ayaa u geeriyooday qarax loogu xiray gaari yar oo nooca raaxada ah oo uu watay, Iyadoo aan la soo sheegin cid kale oo wax ku noqotay Qaraxa.

Gaariga Marxuumka, ayaa gabi ahaantiisaba gubtay, Maadaama qaraxa uu ahaa mid aad u culus, waxaana goobta tagay Ciidamo katirsan laamaha amniga oo sameeyay baaritaano, lama soo sheegin cid ay ku soo qabteen howlgalka.

Marxuumka Cabdiweli Maxamed Ibraahin, ayaa Nooqnaya Xildhibaankii u horeeyay ee katirsan Baarlamaanka Hirshabelle ee lagu dila Muqdisho, waana Xildhibaankii 4-aad oo katirsan Hirshabelle oo lagu dilo Qarax iyo weerar Toos ah oo lagu qaaday.

Saddexda kale, waxaa laba kamid ah lagu dilay Deegaano hoostaga Degmada Balcad Bishii Ramadaanka, Halka mid kalena lagu dilay wadada u dhexeysa Afgooye iyo Balidoogle.

Xildhibaanada Hirshabelle badankood waxey ku suganyihiin magaalada Muqidhso, kuwaasoo Caasimada u yimid arimo kala duwan maadaama ay galeen fasax laba bilood ah.

Mustaqbal media

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

4 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

8 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

9 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

9 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

10 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

10 hours ago