Madaxweynaha Hirshabelle, ayaa ka hadlay dil Muqdisho gelinkii danbe ee maanta loogu geystay Mudane ka tirsan baarlamaanka Hirshabelle.
War Saxaafadeed uu soo saaray Madaxweyne Waare, ayaa sidan u qornaa:
Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Reer Hirshabelle ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Ibraahim oo ka mid ahaa Xildhibaannada Hirshabelle oo u dhintay Qarax gaarigiisa loogu xiray oo Galabta ka dhacay magaalada Muqdisho.
“Innaa Lillaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun Aad baan uga xumahay dilka kooxaha nabad-diidka ay u geysteen Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Ibraahim oo shahiiday isagoo hawl qaran gudanaya, Dilalkan marnaba nagama hor istaagi doonaan inaan horey u sii dhaqaaqno, waxaana hubaa Ilaahay idankii in kooxahan nabadda ka soo horjeeda dalka laga ciribtiri doono dhowaan’’, ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabelle.
Madaxweyne Waare oo Ku hadlayay Afka Golayaasha Hirshabelle iyo Shacabkuba ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo.
Allaha u Naxariistee Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Ibraahim ayaa ka mid ahaa Xildhibaannada Lagu aas aasay Hirshabelle isagoo door muuqda ku lahaa dhisida iyo Horumarinta Dowladda Hirshabelle,ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Maamulka Hir-Shabeelle.
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…