GUDAHA/wararka

Wasiiro iyo madax kale oo ku geeriyooday shil diyaaradeed oo ka dhacay dalka Chana

Madaxweynaha Ghana, John Dramani Mahama, ayaa ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroor-diiq qaran ah oo bilaabanaysa Khamiista, kadib markii diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah (helicopter) oo milatari ay ku burburtay gobolka Ashanti, iyada oo ay ku geeriyoodeen 8 qof oo ay ku jiraan laba wasiir.

Afhayeenka madaxtooyada, Felix Kwakye Ofosu, ayaa sheegay in Madaxweyne Mahama uu sidoo kale joojiyay dhammaan hawlihiisii rasmi ahaa ee usbuuca intiisa ka dhiman, isagoo muujinaya tacsida iyo murugada dhacdadani keentay.

Shilka ayaa dhacay subaxnimadii Arbacada, kadib markii diyaarad nuuca helikobtarka oo ay leeyihiin Ciidamada Qalabka Sida ee Ghana ku dhacday deegaan u dhaw magaalada Accra.

Dadka ku dhintay shilka:

  1. Dr. Edward Kofi Omane Boamah – Wasiirka Gaashaandhigga
  2. Dr. Ibrahim Murtala Muhammed – Wasiirka Deegaanka, Sayniska, Teknolojiyadda & Horumarinta
  3. Alhaji Muniru Mohammed – Ku-simaha Kuxigeenka Kooxda Qaranka ee Amniga
  4. Dr. Samuel Sarpong – Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga NDC
  5. Mr. Samuel Aboagye – Musharax hore oo baarlamaan
  6. Squadron Leader Peter Bafemi Anala – Duuliyaha
  7. Flying Officer Manaen Twum Ampadu – Kaaliyaha duuliyaha
  8. Sergeant Ernest Addo Mensah – Sarkaal ciidan

Waxaa la sheegay in wafdigu uu ku sii jeeday magaalada Obuasi si ay uga qeybgalaan furitaanka Barnaamij lagu dhiirigalinayo dadka qoda Macdanta.

Sidee qaar kamid ah Madaxda Afrika uga tacsiyeeyeen dadka ku dhintay shilka?

Madaxweynaha Nigeria, Bola Tinubu, ayaa sheegay in dhacdadani tahay mid xanuun badan, wuxuuna tacsi u dirays shacabka iyo dwladda Chana.

Madaxweynaha Sierra Leone ayaa isna yiri: “Dadka Sierra Leone waxay garab taagan yihiin shacabka Ghana xilligan murugada leh.”

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, ayaa shilka ku tilmaamay masiibo qaran, wuxuuna tacsi u diray dhammaan dadkii ku dhintay.

Dowladda Ghana waxay shaacisay in hoos loo dhigay calankaasi, waxaana la baaraya waxa rasmiga ah ee sababay shilka diyaaradeed.

Mustaqbal

 

 

 

MM News

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

10 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

12 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

13 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

17 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

20 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

20 hours ago