GUDAHA/wararka

Maxay tahay dooda ay isku hayaan Fiqi, Juxa, iyo Xoosh ee salka ku haysa Baasaboorka?

Qaar ka mid ah Wasiirrada Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa siyaabo kale duwan uga falceliyay faallo uu bartiisa Facebook ku faafiyay Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, kaas uu uga falceliyay go’aan ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan Baasaboorka dalka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad Gobaleedka Puntland Cabdi Faarax Juxa oo bartiisa gaarka ah ee Facebook kaga falceliyay go’aankii dowladda Soomaaliya ee ahaa qofkasta oo dalbanaya Baasaboorka in ay qasab ku tahay in uu haysto Kaarka Aqoonsiga, halka dadka ku safraya dalka gudihiisa laga rabo in ay sameestaan Kaarka NIRA wixii ka dambeeya Janaayo 2026.

Mr. Juxa oo ka falceliyay amarkaan ayaa yiri, “Baasaboorkii ugu liitay adduunka xagga socdaalka oo dadkiisa ciqaab iyo shar looga dhigay, marka taladu gacan qur ah iyo meel qur ah gasho waxay noqotaa shar ummadeed.”

Durba hadalka Wasiir Juxa waxaa ka falceliyay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, isaga eed u jeediyay maamulka Puntland, xilli uu soo qaatay dhacdadii Markabkii dhawaan ay ciidamada Puntland ka afduubteen Xeebta Bareedo, kaas oo siday Hub iyo gaadiid ciidan oo ay lahayd dowladda Turkiga, kuna soo wajahnaa magaalada Muqdisho.

Wasiir Fiqi oo ka falceliyay faallada Juxa ayaa yiri, “Wadan aad maraakiibtii Badda maraysay ee sharciga ku socotay aad afduubanayso weliba si xishood darro ah aad ku leedahay waa “Qaniimo” miyaa baasaboorkiisa dadaal kasta oo lagu bixiyo in lagu hagaajiyo kor u kacayaa.”

Saacado ka dib dooda Juxa iyo Fiqi waxaa ku biiray Cali Xoosh oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya, isaga oo sheegay in Baasaboorkii foolaxumadiisa lagu caayay hadda la diidayo fiicnaantiisa.

Wasiir Xoosh oo falcelintiisa ku faafiyay barta Facebook ayaa yiri, “Waxaan maqli jiray facaa foolxumadana waa kugu caayaa, fiicnaantana kuuma ogola, Baasaboorkeenii foolxumadiina ma lagu caayey, fiicnaantiina ma loo diiday, aduun faalo danbe buu leeyahay.”

Hadalladaan ay isdhaafsadeen Juxa, Fiqi, iyo Xoosh ayaa hadal hayn ka abuurtay bulshada, iyaga oo qaarkood soo dhaweeyay amarka ka soo baxay dowladda ee ahaa kor u qaadista tayada Baasaboorka dalka, taas oo ku sifeeyeen in uu yahay go’aankaan mid Qaran, oo uusan ahayn mid qof.

Juxa iyo Fiqi ayaa sidaan oo kale faallooyin dhaliil iyo difaacid ah isku dhaafsaday baraha Bulshada gaar ahaan Facebook, labadaan mas’uul ayaa caan ku ah difaacidda Siyaasadda dowladda dhexe iyo midda dowlad gobaleedka Puntland.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

22 seconds ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

12 mins ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

12 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

14 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

15 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

19 hours ago