GUDAHA/wararka

Madaxweyne Xasan Shiikh oo la kulmay Saraakiisha ugu sarreysa Howlgalka AUSSOM

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa kulan la yeeshay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ahna Madaxa Howlgalka AUSSOM,  Danjire El Hadji Ibrahima Diene iyo Saraakiisha ugu sarreysa howlgalkaasi.

Kulanka oo ka dhacay Madaxtooyadda Qaranka ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka AUSSOM, S/Guud Sam Kavuma, iyo Taliyaha Booliska, Hillary Sao Kanu, iyo mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan dawladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa saraakiisha AUSSOM iyo Danjiraha ka dhageystay warbixinno la xiriira howlgalka ay ka wadaan gudaha Soomaaliya iyo isbadalka Madaxa cusub ee howlgalka Danjire El Hadji Ibrahima Diene.

Sidoo kale, kulanka ayaa looga hadlay  marxaladda kala guurka ee howlgalka AUSSOM  iyo qorshaha mas’uuliyadda amniga loogu wareejinayo Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Madaxa Howlgalka AUSSOM, Danjire Diene ayaa sheegay inuu si dhow dowladda Federaalka ugala shaqeyn doonto dagaalka AS iyo tayeynta ciidanka qalabka sida.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa sheegay in ay dowaldda federaalka wado dagaal ka dhan ah AS, loona baahan yahay taageerada  Howlgalka AUSSOM ee dhinacyada is dhaafsiga khibradaha iyo xogaha ciidan.

Ururka Midowga Afrika ayaa dhawaan Soomaaliya u soo magacaabay Danjire Elhadji oo si rasmi ah uga shaqeyn doona dib u habeynta howlgalka AUSSOM ee taageera ciidanka Soomaaliyeed.

Mustaqbal

 

 

 

MM News

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

9 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

11 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

12 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

16 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

19 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

19 hours ago