Wafdi ka socda Puntand oo gaaray Baydhabo.

Wafdi ka socda Maamulka Puntland ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarun Kumeel gaar ah ee Koofur Galbeed waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey Masuuliyiinta ka tirsan KGS.

Wafdiga Gaaray Baydhabo waxaa hugaaminaayay Madaxweyne ku Xigeenka Puntland Axmed Cali Cismaan Karaash iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Dhoobo Daareed,waxaama Garoonka diyaaradaha Baydhabo ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsanĀ  Labbada Golle ee Maamulka KGS oo uu horkacayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shiiqunaa Mayee.

Wafdiga gaaray Baydhabo

Ujeedka wafdiga ka socda Puntland ayaa ah in ay ka qeyb galaan Xaflada Caleema saarka ah ee Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Lafta gareen oo lagu wado maalinta bari ah in lagu caleemo saaro Magaalada Baydhabo.

Soo dhaweynta Wafdiga ka socda Maamulka Puntland ee Baydhabo

Baydhabo waxaa lagu wadaa in gaaraan Masuuliyiin ka socota Dowlada Faderaalka Soomaaliya si ay ugu qayb galaan Xaflada Caleema saarka Madaxweynaha Cusub ee Maamulka KGS. Cabdicasiis Laftagareen.

Mustaqbal media

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

9 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

11 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

12 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

16 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

19 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

19 hours ago