Ciidamo ka tirsan dowladda Kenya oo xalay gubay xarun ay laheyd Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud.

Ciidamadan oo watay Gaadiid gaashaaman ayaa waxa ay kasoo tallaabeen xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, waxa ayna qaraxyo loo adeegsaday Miinooyin ku burburiyeen xaruntii Shirkadda Hormuud ee Tuulada Calibuley oo 30KM dhanka waqooyi uga beegan Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose.

Ciidanka ayaa jirdilay qof ka mid ah shaqaalaha shirkadda oo ku sugnaa xarunta & sidoo kale 2 qof oo dadka deegaanka ah.

Waxaa weli hawada ka maqan Isgaarsiinta Deegaankaas & Deegaanno kale oo Link-ga ka qaadan jiray, xarumahaan ayaa Shacabka halkaas ku nool siin jiray adeegyo kala duwan oo isugu jiray Isgaarsiin iyo adeegga EVC oo muhiim u ah nolosha dadka halkaas ku nool.

Ciidanka Kenya ayaa sidaan oo kale u burburiyey xarunta Calibuley Bishii August ee sanadkii lasoo dhaafay, iyadoo tani ay noqoneyso markii labaaad oo geystaan Falkaan Burburinta ah, waxay Ciidankani horay u burburiyeen Xarumo ay laheyd shirkadda Hormuud Telecom oo ay kamid ahaayeen Ceelbaande, Dhamase, Khadiijo Xaaji , Dhegalaab iyo Dhuuntow oo ka wada tirsan Gobollada Gedo iyo Jubbada Hoose, waxayna xaruntaan hadda la gubay noqoneysaa middii 7aad oo ay ciidamada Kenya si bareer ah u gubaan.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga sababta keentay inay Ciidamada Kenya ugaarsadaan xarumaha Shirkadda Hormuud oo ay saami ku leeyihiin dad Soomaaliyeed oo aad u badan, waxaase dadka falanqeeya arrimaha geeska Africa ay sheegayaan in Kenya dooneyso in ay dhulka ku teedsan xudduudda labada waddan ka dhigto Lama degaan.

 

Mustaqbal media

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

10 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

12 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

13 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

17 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

20 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

20 hours ago