GUDAHA/wararka

Wadahadallada Dowladda & Mucaaradka oo dib u billaabanaya

Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka oo ay dhexdhexaadinta ka tahay Beesha Caalamka ayaa dib u billaabanaya todobaadka soo socda iyada oo weli ay taagan yihiin doodaha la xiriira nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa.

Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka oo saddex dhinac ah ayaa ku kala qaybsan nooca doorasho iyo qaabka ay u qabsoomayso iyaga oo horay ugu gudbiyay Wakiillada Beesha Caalamka ee dhexdhexaadinta ka dhex sameeyay.

Waxaa kulanka todobaadka dambe horraantiisa qabsoomaya lagu soo bandhigayaa nooca doorasho ee Beesha Caalamku garatay in ay dhici karto maadaama Dowladda iyo Mucaaradku ay ku kala qaybsameen go’aan ka gaaristeeda.

Wadahadalladii ugu dambeeyay ee Dowladda Federaalka iyo xubnaha Mucaaradka oo isugu jira Golaha Mustaqbalka, Nabad iyo Nolol & Midnimo Qaran waxa ay ku gudbiyeen doorashada ay la tahay in ay dalka ka dhici karto.

Wararka Mustaqbal Media ay heleyso ayaa sheegaya in Beesha Caalamka ay qorsheysay doorasho ka duwan kuwa ay gudbiyeen Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka iyada oo aan la shaacin sida ay noqon doonto & waqtiga lagu beegi doonno.

Xubnaha Beesha Caalamka ee dhexdhexaadinta wada ayaa la kulmay Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyaga oo kawada hadlay arrimaha la xiriira Doorashooyinka Dalka ka dhici kara iyo sida ay u noqon karaan kuwo dhinacyada is haya ugu kalsoonaan karaan shaqada guddigaas.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Shiinaha oo Maraakiib dagaal u soo diraya Biyaha Soomaaliya

Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ayaa ku dhawaaqday in Biyaha Soomaaliya ay usoo dirayso Maraakiib dagaal oo…

16 mins ago

Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir oo maanta shaacinaysa Xukunka Sacdiyo Bajaaj

Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir oo dhowaan dhagaysatay racfaanka qareennada Sacdiyo Macallin Cali oo loo…

34 mins ago

EUFA Super Cup oo markii ugu horraysay caawa uu dhexdhexaadin doonno Garsoore aan Yurub u dhalan

Koobka EUFA Super Cup oo ah mid la dhex dhigo Kooxaha ku kala guullaysta Horyaalka…

60 mins ago

Baarlamaanka Hungary oo doortay Madaxweynaha Cusub

Baarlamaanka dalka Hungary ayaa maanta Andras Baka u doortay Madaxweynaha dalkaasi, iyadoo ay cod qarsoodi…

14 hours ago

Maxay tahay farriinta uu RW Xamse u diray Wakiilada Beesha Caalamka?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu ugu baaqay Beesha Caalamka iyo…

14 hours ago

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo tababar usoo xiraya Ciidan lagu tababaray Galmudug

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tababar usoo xiraya ciidamo katirsan Xoogga Dalka…

14 hours ago