Koobka EUFA Super Cup oo ah mid la dhex dhigo Kooxaha ku kala guullaysta Horyaalka Qaaradda Yurub ee EUFA CHAMPIONS LEAGUE iyo UEFA EUROPE LEAGUE ayaa tan iyo markii la billaabay koobkaan waxaa markii ugu horraysay dhexdhexaadin doonna Garsoore u dhashay meel Yurub ka baxsan.
Kulankaan waxaa caawa dhexdhexaadinaya Garsooraha heerka Caalami una diiwaangashan Hay’adda FIFA waa Cumar Cabdulqaadir Cartan oo horraantii June 2026 laga hor istaagay in uu galo Dalka Maraykanka oo kamid ahaa martigeliyaashii Koobka Aduunka maadaama uu kamid ahaa Garsooreyaasha loo soo xulay.
Cumar Cartan waxa uu isku qorayaa diiwaanka Garsoorihii ugu horreeyay ee ka baxsan Yurub ee qabta Fiinaalka EUFA Super Cup waana taariikh aanay u diiwaangelin Garsooreyaal kale oo kasoo jeeda Dalal kala duwan oo xitaa qaarkood kasoo muuqday Koobkii Adduunka 2026 ee bishii hore lasoo gabagabeeyay.
Xamaasadda Kulanka u dhaxeeya PSG VS ASTON VILLA waxaa ka hadal hayn batay Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan, marka la eego bogagga hore ee Warbaahinta Caalamka oo aad loo hadal hayo Garsoorahaan oo ah kan ugu fiican xiligaan Qaaradda Afrika.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ayaa ku dhawaaqday in Biyaha Soomaaliya ay usoo dirayso Maraakiib dagaal oo…
Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir oo dhowaan dhagaysatay racfaanka qareennada Sacdiyo Macallin Cali oo loo…
Baarlamaanka dalka Hungary ayaa maanta Andras Baka u doortay Madaxweynaha dalkaasi, iyadoo ay cod qarsoodi…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu ugu baaqay Beesha Caalamka iyo…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tababar usoo xiraya ciidamo katirsan Xoogga Dalka…
Taliyaha NISA ee Gobolka Gedo, Cabdirashiid Maxamed Nuur (Cabdirashiid Janan) ayaa heshiis la galay maamulka…