GUDAHA/wararka

Shiinaha oo Maraakiib dagaal u soo diraya Biyaha Soomaaliya

Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ayaa ku dhawaaqday in Biyaha Soomaaliya ay usoo dirayso Maraakiib dagaal oo door muuqda ka qaadan doonna nabadgalyada Badda si gaar ah gacanka Cadmeed iyo Xeebaha Soomaaliya sida lagu yri war kasoo baxay Xukuumadda Beijing.

Shiinaha ayaa sheegay in saddexdaas Markab ay kala yihiin Kunming oo ah kuwa waxburburiya, Yueyang oo hub casri ah ku xiran iyo Loumahu oo Sahaay u sida Ciidamada Badda ee howlgalkaan ku jira iyo qalabka kale ay u baahan yihiin.

Wasaaradda Difaaca Qaranka ee Shiinaha ayaa sheegtay in ciidankaas cusub ay noqon doonnaan guutada 49aad ee Maraakiibta Badda Shiinaha, waxaana ay xilka kala wareegi doonnaan guutada 48aad ee bishii October 2025 soo billaabay howlgalkaan.

Ciidamada iyo Maraakiibta Badda ee Shiinaha soo dirayo ayaa Bartamaha Bishaan August kusoo beegan Biyaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed, Beijing ayaa guullo ka sheegatay howlgalkeeda gudbinta Maraakiibta isugu jira Ganacsiga & Dalxiiska.

Tan iyo sannadkii 2008dii waxa uu Shiinaha howlgallo ilaalin ah kawada Biyaha Soomaaliya, waxa ay Xukuumadda Beijing shaacisay in ay gudbisay in ka badan 7,000 oo Markab kuwaas oo si nabadgalyo ah uga tallaabay goobaha laga diiwaangeliyay Burcad badeeda.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir oo maanta shaacinaysa Xukunka Sacdiyo Bajaaj

Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir oo dhowaan dhagaysatay racfaanka qareennada Sacdiyo Macallin Cali oo loo…

1 hour ago

EUFA Super Cup oo markii ugu horraysay caawa uu dhexdhexaadin doonno Garsoore aan Yurub u dhalan

Koobka EUFA Super Cup oo ah mid la dhex dhigo Kooxaha ku kala guullaysta Horyaalka…

2 hours ago

Baarlamaanka Hungary oo doortay Madaxweynaha Cusub

Baarlamaanka dalka Hungary ayaa maanta Andras Baka u doortay Madaxweynaha dalkaasi, iyadoo ay cod qarsoodi…

14 hours ago

Maxay tahay farriinta uu RW Xamse u diray Wakiilada Beesha Caalamka?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu ugu baaqay Beesha Caalamka iyo…

15 hours ago

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo tababar usoo xiraya Ciidan lagu tababaray Galmudug

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tababar usoo xiraya ciidamo katirsan Xoogga Dalka…

15 hours ago

Cabdirashiid Janan oo dib ugu biiray Maamulka Jubbland

Taliyaha NISA ee Gobolka Gedo, Cabdirashiid Maxamed Nuur (Cabdirashiid Janan) ayaa heshiis la galay maamulka…

22 hours ago