GUDAHA/wararka

Maxay tahay farriinta uu RW Xamse u diray Wakiilada Beesha Caalamka?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu ugu baaqay Beesha Caalamka iyo Deeq-bixiyeyaashu in ay wax ka badalaan sida ay ula dhaqmaan Dowladda Federaalka.

Khudbad uu maanta jeediyay Ra’iisul wasaare Xamse ayaa sheegay in ay Soomaaliya ka gudubtay caqabado kala duwan oo ay soo martay iyo xaaladii kumeel gaarnimada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka hadlayay horumarka ay Soomaaliya ka gaartay dhinacyada amniga, deyn cafiska iyo dhismaha hay’adaha dowladda, ayaa sheegay in deeq-bixiyeyaashu ay weli ku dheggan yihiin aragtidiidii hore ee laga qabay Soomaaliya.

“Beesha Caalamka iyo Deeq-bixiyeyaasha dhibaatada ugu weyn iyaga ayay haysataa oo u baahan in ay isbeddelaan. Soomaaliyadii ay yiqiineen ee KMG-ka ahayd ayay weli ku socdaan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Hadalkan ka soo yeeray Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa imaanaya xilli Wakiilada Beesha Caalamka ay Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ku cadaadinayaan in ay gaaraan heshiis loo dhan yahay si dalka u aado Doorasho.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Shiinaha oo Maraakiib dagaal u soo diraya Biyaha Soomaaliya

Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ayaa ku dhawaaqday in Biyaha Soomaaliya ay usoo dirayso Maraakiib dagaal oo…

17 mins ago

Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir oo maanta shaacinaysa Xukunka Sacdiyo Bajaaj

Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir oo dhowaan dhagaysatay racfaanka qareennada Sacdiyo Macallin Cali oo loo…

35 mins ago

EUFA Super Cup oo markii ugu horraysay caawa uu dhexdhexaadin doonno Garsoore aan Yurub u dhalan

Koobka EUFA Super Cup oo ah mid la dhex dhigo Kooxaha ku kala guullaysta Horyaalka…

1 hour ago

Baarlamaanka Hungary oo doortay Madaxweynaha Cusub

Baarlamaanka dalka Hungary ayaa maanta Andras Baka u doortay Madaxweynaha dalkaasi, iyadoo ay cod qarsoodi…

14 hours ago

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo tababar usoo xiraya Ciidan lagu tababaray Galmudug

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tababar usoo xiraya ciidamo katirsan Xoogga Dalka…

14 hours ago

Cabdirashiid Janan oo dib ugu biiray Maamulka Jubbland

Taliyaha NISA ee Gobolka Gedo, Cabdirashiid Maxamed Nuur (Cabdirashiid Janan) ayaa heshiis la galay maamulka…

21 hours ago