GUDAHA/wararka

Ciidanka PSF ee Gaalkacyo laga qabsaday oo dib u dejin loogu sameeyay Galmudug

Ciidan katirsan PSF oo dhowaan xeradii ay ku sugnaayeen ee Bariga Magaalada Gaalkacyo ay ka qabsadeen Ciidamada Maamulka Puntland ayaa gaaray Deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug.

Ciidamadaan ayaa dib u dejin loogu sameeyay Xero ciidan oo ku taalla Xananbuure halkaas oo ay ku sugnaan doonnaan ilaa isbaddel ama amar kale uga imaan doonno Dowladda Federaalka sida ay ku warrameen ilo kala duwan.

PSF oo ah ciidamo si gaar u tababaran oo horay taakulo uga heli jiray Maraykanka ayaa u wareegay dhinaca Dowladda Federaalka oo muddo mushaarkooda iyo qalabkooda ciidan bixinaysa iyada oo wajahay culays uga yimid dhinaca Maamulka Siciid Deni.

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli si dhab ah uma shaacin qorshaha ciidankaan ay ka leedahay maadaama awood looga soo saaray saldhiggii ay ku lahaayeen Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Shiinaha oo Maraakiib dagaal u soo diraya Biyaha Soomaaliya

Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ayaa ku dhawaaqday in Biyaha Soomaaliya ay usoo dirayso Maraakiib dagaal oo…

1 hour ago

Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir oo maanta shaacinaysa Xukunka Sacdiyo Bajaaj

Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir oo dhowaan dhagaysatay racfaanka qareennada Sacdiyo Macallin Cali oo loo…

1 hour ago

EUFA Super Cup oo markii ugu horraysay caawa uu dhexdhexaadin doonno Garsoore aan Yurub u dhalan

Koobka EUFA Super Cup oo ah mid la dhex dhigo Kooxaha ku kala guullaysta Horyaalka…

2 hours ago

Baarlamaanka Hungary oo doortay Madaxweynaha Cusub

Baarlamaanka dalka Hungary ayaa maanta Andras Baka u doortay Madaxweynaha dalkaasi, iyadoo ay cod qarsoodi…

14 hours ago

Maxay tahay farriinta uu RW Xamse u diray Wakiilada Beesha Caalamka?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu ugu baaqay Beesha Caalamka iyo…

14 hours ago

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo tababar usoo xiraya Ciidan lagu tababaray Galmudug

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tababar usoo xiraya ciidamo katirsan Xoogga Dalka…

15 hours ago