Dowladda Iiraan ayaa sharaxday shuruudda ay hordhigayso in ay marin ah uu noqdo Hormuz iyada oo sheegtay in nabadgalyada marinkaas ay ku xiran tahay in uu Maraykanka joojiyo weerarrada ka dhanka ah Dalkeeda.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Abbas Araghchi oo la hadlay dhiggiisa Jarmalka, Johann Wadephul ayaa u sheegay in Tehran ay diyaar u tahay in ay furto Marinka Hormuz oo si nabadgalyo ah loo maro waa haddii Maraykanka uu joojiyo duqaymaha uu ku hayo.
Waxa uu tilmaamay in aanay dalkiisa aqbali doonin in go’doomin lagu hayo dhinaca dekedaha maadaama Maraykanka uu isku dayayo in uu culays dhinacaas ka saaro sida uu hadalka u dhigay Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan.
Washinton ayaaa ku guuldaraysatay qorshaha lagu furayo Marinka Hormuz iyada oo ay qaadday tallaabooyin kala duwan oo ay ku doonayso in ay ku abuurto isbahaysi dalal badan ka kooban oo marinkaas xoog ku gudbinaya Maraakiibta ku xayiran.
Mustaqbal
Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ayaa ku dhawaaqday in Biyaha Soomaaliya ay usoo dirayso Maraakiib dagaal oo…
Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir oo dhowaan dhagaysatay racfaanka qareennada Sacdiyo Macallin Cali oo loo…
Koobka EUFA Super Cup oo ah mid la dhex dhigo Kooxaha ku kala guullaysta Horyaalka…
Baarlamaanka dalka Hungary ayaa maanta Andras Baka u doortay Madaxweynaha dalkaasi, iyadoo ay cod qarsoodi…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu ugu baaqay Beesha Caalamka iyo…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tababar usoo xiraya ciidamo katirsan Xoogga Dalka…