GUDAHA/wararka

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo Ankara kula kulmay Madaxda ugu sarreysa Difaaca Turkiga

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa magaalada Ankara maanta kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka Difaaca dalka Turkiga, Yaşar Güler.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Difaaca Turkiga, ayaa waxaa qayb ka ahaa Taliyaha Guud ee Ciidanka Qalabka Sida ee Turkiga, Janaraal Selçuk Bayraktaroğlu.

Wadahadalladan ayaa diirada lagu saarey xiriirka dibloomaasiyadeed iyo midka millateri ee sii xoogaysanaya ee u dhexeeya hay’adaha difaaca ee labada dal.

Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa faahfaahin ka bixisay kulanka, iyadoo sawirrada iyo xogta kulankana lagu baahiyay baraha bulshada ee wasaaradda.

Booqashada wefdiga Soomaaliya Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa ku jooga dalka Turkiga booqasho rasmi ah ka dib martiqaad uu ka helay dhiggiisa dalka Turkiga, Janaraal Bayraktaroğlu.

Xiriirka Difaaca ee Turkiga iyo Soomaaliya Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli uu jiro iskaashi qotodheer oo dhanka difaaca iyo amniga ah oo u dhexeeya Ankara iyo Muqdisho.

Mustaqbal

 

MM Staff

Recent Posts

Suxufiyiinta Aqalka Cad oo Shirqool ku tilmaamay in Trump laga reebay diyaaraddii uu la raacay

Suxufiyiinta ku qoran soo gudbinta xogaha iyo wararka Aqalka Cad ee Maraykanka oo dib ka…

42 mins ago

Shiinaha oo Maraakiib dagaal u soo diraya Biyaha Soomaaliya

Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ayaa ku dhawaaqday in Biyaha Soomaaliya ay usoo dirayso Maraakiib dagaal oo…

2 hours ago

Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir oo maanta shaacinaysa Xukunka Sacdiyo Bajaaj

Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir oo dhowaan dhagaysatay racfaanka qareennada Sacdiyo Macallin Cali oo loo…

2 hours ago

EUFA Super Cup oo markii ugu horraysay caawa uu dhexdhexaadin doonno Garsoore aan Yurub u dhalan

Koobka EUFA Super Cup oo ah mid la dhex dhigo Kooxaha ku kala guullaysta Horyaalka…

3 hours ago

Baarlamaanka Hungary oo doortay Madaxweynaha Cusub

Baarlamaanka dalka Hungary ayaa maanta Andras Baka u doortay Madaxweynaha dalkaasi, iyadoo ay cod qarsoodi…

15 hours ago

Maxay tahay farriinta uu RW Xamse u diray Wakiilada Beesha Caalamka?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu ugu baaqay Beesha Caalamka iyo…

15 hours ago