Suxufiyiinta ku qoran soo gudbinta xogaha iyo wararka Aqalka Cad ee Maraykanka oo dib ka maqlay warbixinnada sheegaya in Madaxweyne Donald Trump uu ka degay si qarsoodi ah diyaaraddii ay ku ogaayeen in uu saaran yahay ka carooday ficilkaas.
Waxa ay ku doodeen in la shirqoolay xitaa haddii la beegsan lahaa diyaaraddaas maadaama arrimo amni darteed looga saaray Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump isaga oo lagu qaaday mid kamid ah Gaadiidka cuntooyinka diyaaradaha u geeya ee Turkiga.
Sheekadaan oo saacado kahor bannaanka usoo baxday ayaa dhalisay hadal-hayn culus iyo muran isu baddeli karo dacwado ku biya shuban kara Maxkamad mar haddii ay ku doodayaan in ogaysiis la’aan looga reebay Trump balse iyagu lagu qaaday diyaaradda.
Donald Trump oo aad uga cabsanaya beegsiga Iiraan ayaa horay u sheegay in uusan dhayalsan Karin hanjabaadda Tehran, waxa uu wax badan ka baddelay qorshihiisa safarka meelaha ka baxsan Dalkiisa Maraykanka si aan looga faa’iidsaysan.
Trump oo lagu ogaa in uu raacay diyaaradda Air Force One ayaa Turkiga uga baxay Diyaarad kale oo Militari oo ah C-32A oo xitaa laga reebay in ay waqti ahaan ka daba duusho diyaaraddii uu ka haray si looga baaqsado beegsiga laga cabsaday.
Waa uu ku qasbanaaday mar haddii fariimo dhinaca amniga ah uu helay, waxaa dhanka kale sheeko kartoon ah laga sameeyay muuqaalka Donald Trump oo dhexda ka fadhiya gaari nooca Khudaarta u geeya Diyaaradaha waxaana ka dhashay falcelin dhinaca Bulshada ah.
Mustaqbal
Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ayaa ku dhawaaqday in Biyaha Soomaaliya ay usoo dirayso Maraakiib dagaal oo…
Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir oo dhowaan dhagaysatay racfaanka qareennada Sacdiyo Macallin Cali oo loo…
Koobka EUFA Super Cup oo ah mid la dhex dhigo Kooxaha ku kala guullaysta Horyaalka…
Baarlamaanka dalka Hungary ayaa maanta Andras Baka u doortay Madaxweynaha dalkaasi, iyadoo ay cod qarsoodi…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu ugu baaqay Beesha Caalamka iyo…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tababar usoo xiraya ciidamo katirsan Xoogga Dalka…