Magaalada Muqdisho waxaa maanta kulan ku yeeshay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo qaar kamid ah Wakiilada dala caalamka u fadhiya Soomaaliya.
Safiirada kulanka ka qeyb galay ayaa ka kala socday Mareykanka, Boqortooyada Ingiriiska, Shiinaha, Turkey, Ethopia, Kenya, Sudan iyo Masar, sidoo kale Xubno ka socday Hay’adaha caalamiga sida Qaramada Midoobey, Ururka Midowga Afrika iyo Ururka Iskaashi Islaamka.
Kulanka ayaa Wakiilada ay ku dhageysteen Warbixinta Guddiga ee la xiriirta Doorashooyinka ka qabsoomay dalka iyo kuwa qorsheysan, kuwaasi oo ay diidan yihiin qeybaha Mucaaradka.
War-saxaafadeed ay soo saareen Guddiga Doorashooyinka ayay ku sheegeen in kulankan uu Warbixin ka jeediyay Guddooomiyaha Guddiga, Cabdikariim Axmed Xasan oo ka hadlay Doorashooyinkii ka qabsoomay Gobolka Banaadir, Koofur Galbeed iyo Galmudug.
Guddoomiyaha ayaa xusay in 57 sano ka dib ay doorasho qof iyo cod ah ka dhacday dalka, iyadoo dad weynaha ay soo doorteen Mas’uuliyiinta ku matalaya heerarka dowladnimada.
Safiirrada iyo wakiillada beesha caalamka oo iyaguna dhankooda su’aalo iyo hadalo kajeediyay kulanka ayaa soo dhaweeyay horumarka laga sameeyay geeddi-socodka doorashooyinka qof iyo cod, sida lagu sheegay Bayaanka Guddiga Doorashooyinka.
Kulanka ayaa ku soo aadaya xilli Dowladda iyo Mucaaradka ay maalmaha soo socda ku ballansan yihiin kulan looga hadlayo arrimaha doorashooyinka.
Mustaqbal
Suxufiyiinta ku qoran soo gudbinta xogaha iyo wararka Aqalka Cad ee Maraykanka oo dib ka…
Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ayaa ku dhawaaqday in Biyaha Soomaaliya ay usoo dirayso Maraakiib dagaal oo…
Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir oo dhowaan dhagaysatay racfaanka qareennada Sacdiyo Macallin Cali oo loo…
Koobka EUFA Super Cup oo ah mid la dhex dhigo Kooxaha ku kala guullaysta Horyaalka…
Baarlamaanka dalka Hungary ayaa maanta Andras Baka u doortay Madaxweynaha dalkaasi, iyadoo ay cod qarsoodi…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu ugu baaqay Beesha Caalamka iyo…