Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa loo doortay Sarreeye Guuto Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac.
Guddoomiyaha Kumeel Gaarka ah ee Golaha Shacabka, Sacdiya Yaasiin ayaa sheegtay in Cabdiqaadir Maxamed uu helay 142 cod, halka musharaxa kale Cabdulqaadir Cumar Macallin (Daada) uu helay 30 Cod.
Mr Jaamac ayaa noqon doona Guddoomiyihii 8-aad oo uu yeesho Golaha Shacabka ee Baarlamaanka tan iyo 2000.
Khudbad kooban oo uu jeediyay Jaamac wuxuu ku sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii uu u mideyn lahaa Baarlamaanka oo ay horyaallaan Ajendayaal kala duwan.
Guddoomiyaha cusub ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay Dowladda Federaalka Soomaalida sida Taliye ku xigeenkii Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA iyo Xilalka Wasiirada Wasaaradaha Caddaaladda, Gaashaandhiga iyo isagoo hadda ahaa Wasiirka Dekadaha XFS.
Mustaqbal
Sacdiya Macallin Cali oo ku magac dheer Sacdiya Bajaaj oo dhammaadkii June ee sannadkaan uu…
Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa Yury Tokar usoo magacaabay in uu noqdo Danjiraha Dalkiisa ee…
Suxufiyiinta ku qoran soo gudbinta xogaha iyo wararka Aqalka Cad ee Maraykanka oo dib ka…
Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ayaa ku dhawaaqday in Biyaha Soomaaliya ay usoo dirayso Maraakiib dagaal oo…
Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir oo dhowaan dhagaysatay racfaanka qareennada Sacdiyo Macallin Cali oo loo…
Koobka EUFA Super Cup oo ah mid la dhex dhigo Kooxaha ku kala guullaysta Horyaalka…