Hoos u dhac xoog leh ayaa ku yimid adeegsiga Baraha bulshada iyo lacagaha la isugu diro Taleefannada dalka Uganda kaddib markii ay labada adeegba dowladda canshuur ku soo rogtay sanadkii hore.
Saddex bilood kaddib markii ay dowladda soo rugtay canshuurta la saaray adeegsiga baraha bulshada iyo qidmada laga jaro dadka adeegsada lacagaha taleefannad ala isugu diro ayaa waxaa soo baxay hoos u dhaca,waxaana uu marba marka ka dameysa ahaa mid hoos u sii socda.
Guddiga warfaafinta ee Dowladda Uganda ayaa sheegay in adeegsiga Baraha Bulshada uu hoos u dhacay, islamarkaana ay baraha bulshada iska dhaafeen dad gaaraya 2.5milyan oo qof.
Sidoo kale Guddiga ayaa warbixintooda ku sheegay in 1.2milyan oo qof ay iska joojiyeen adeegga lacagaha la isugu diro ee taleefannada.
Dhinaca maaliyadda Guddiga waxaa ay sheegeen in go’aanka dadweynaha ay ku joojiyeen adeegyada lacagaha la isugu diro ee Taleefannada uu baajiyay lacag gaareysa 4.5 tiriliyan oo shilinka Uganda ah una dhiganta ($1.2 milyan). Oo doollarka Mareykanka ah.
Madaxweynaha Uganda ayaa bishii March ee sanadkii hore soo saaray amar dadka ay lacag canshuur ah ku bixinayaan adeegsiga baraha bulshada noocyadooda kala duwan.
Yuweri Museveni, xilligaas waxaa uu sheegay in tallaabadaas uu uga golleeyay in uu ku yareeyo wararka xanta ah ee isaga ka dhanka ah iyo wararka kale ee been abuurka ah.
Go’aanka Museveni waxaa uu saameeyay 60 Website iyo shabakadaha Baraha bulshada ee kala ah; WhatsApp, Twitter, iyo Facebook.
Canshuurta la saaray lacagaha la isugu diro taleefannada oo markii hore ahaa 10% ayaa waxaa laga dhigay 15%,waxaana ay taas sababtay in dad badan ay ka maarmaan adeegsiga lacaga taleefannada la isugu diro.
Adeegsiga adeegyada lacagaha ee sharikada Isgaarsiinta Dalka Uganda ka howlgala ayaa hoos ugu dhacay sida soo socota.
MTN, waxaa uu adeegeeda lacagaha la isugu diro hoos u dhacay 62%.
Airtel, waxaa uu adeegeeda lacagaha la isugu diro hoos u dhacay 40%
Africell, adeegeeda lacagaha la isugu diro hoos u dhacay 41%
Uganda Telecom , adeegeeda lacagaha la isugu diro hoos u dhacay 23%
Uganda kaliya gaar uma aha waddamada canshuurta saaray adeegyada lacagaha la isugu diro ee Taleefannada iyo baraha bulshada,waxaa sanadihii la soo dhaafay tallaabooyinkan oo kale qaaday dalalka Kenya, Zambia iyo Zimbabwe .
Isha: Quartz Africa
W/Turjumay: Adam Ibrahim Farah (Showqi).
Mustaqbal Radio
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…