WARARKA-GUDAHA/DIBADDA

Uganda oo shaacisay in dalkaasi uusan ka jirin cudurka Ebola

Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah u shaacisay in dalkaasi uu ka dhammaaday cudurka Ebola, kaddib markii la xaqiijiyay in uusan jirin wax muujinaya faafitaan cusub oo cudurka ah.

Wasiirka Caafimaadka Uganda, Dr. Chris Baryomunsi, ayaa sheegay in bukaankii ugu dambeeyay ee u dhashay Uganda laga saaray isbitaalka 16-kii Juun 2026.

Wasaaradda Caafimaadka Uganda ayaa sheegtay in dillaacii Ebola ee sanadkan uu ka duwanaa kuwii hore, maadaama si buuxda loo ogaaday halka uu cudurku ka yimid iyo sida uu dalka ku soo galay.

Dowladda ayaa sidoo kale xaqiijisay in dhammaan kiisaskii la diiwaangeliyay ay isku xirnaayeen, isla markaana la raad-raacay gudbinta cudurka.

Sidoo kale, dhammaan dadkii lala xiriiriyay bukaannada ayaa lagu karantiilay xarumo gaar ah, waxayna dhammaysteen muddadii 21-ka maalmood ahayd ee kormeerka caafimaad iyadoo aan la helin kiisas cusub.

Wasaaraddu waxay intaa ku dartay in dabagalka iyo baaritaannada caafimaad ee la xoojiyay aysan muujin wax faafin ah oo bulshada dhexdeeda ka jirta.

Uganda ayaa tan iyo bishii May waxaa cudurka Ebola ugu geeriyooday laba qof, hase yeeshee dowladda ayaa hadda ku dhawaaqday in dalkaasi si rasmi ah uga xoroobay cudurka, kaddib markii la xaqiijiyay in uu joogsaday faafitaankiisu.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Aljeeriya oo dib u furanaysa Safaaradeedii Muqdisho ka dib muddo 40 sano ah

Diblumaasiyiinta Dalka Aljeeriya ayaa la filayaa in ay dib ugu shaqo billaabaan Safaaradda wadankaasi ee…

2 hours ago

Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlay arrimaha socdaalka

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka wada hadlay fududeynta socdaalka labada dal, xilli warar soo…

3 hours ago

Wadahadalka Dowladda & Mucaaradka oo dib u billaabanaya

Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ayaa dib u billaabanaya iyada oo weli ay taagan yihiin…

6 hours ago

Wasiir Al-Cadaala “Amniga Puntland waxaa mas’uul ka ah dowladda Soomaaliya.”

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo…

8 hours ago

Hindiya oo Soomaaliya ku wareejinaya Maxaabiis ku xukuman Xabsi daa’in

Muwaadiniin Soomaali ah oo tiradoodu gaarayso 44 qof oo Maxkamad ku taalla Mumbai ay ku…

8 hours ago

Cumar Cabdirashiid “Gaalkacyo ma’ahan Calmiskaad”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid Cali ayaa ka hor yimid ciidamo la sheegay…

8 hours ago