Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka wada hadlay fududeynta socdaalka labada dal, xilli warar soo baxaya ay sheegayaan in Madax ka tirsan Soomaaliya laga soo celiyay dalkaasi.
Wada hadal ay magaalada Adis Ababa ku yeesheen Wasiirada Arrimaha Dibadda labada dal ayaa isku afgartay in la ballaariyo furitaanka Qunsuliyado laga hirgalinayo magaalooyinka waa weyn ee Kenya iyo Somaaliya.
“Labada wasiir ayaa ka wada hadlay horumarradii ugu dambeeyay ee la xiriira arrimaha socdaalka, iyagoo ku heshiiyay in la xoojiyo iskaashiga iyo isku-duwidda arrimaha qunsuliyadaha iyo fududeynta isu socodka shacabka labada dal” ayaa lagu yiri War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Sidoo kale, labada dhinac waxay dib ay sheegeen sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, gaar ahaan arrimaha muhiimka u ah xasilloonida iyo nabadgelyada gobolka.
Mustaqbal
Diblumaasiyiinta Dalka Aljeeriya ayaa la filayaa in ay dib ugu shaqo billaabaan Safaaradda wadankaasi ee…
Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah u shaacisay in dalkaasi uu ka dhammaaday cudurka Ebola,…
Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ayaa dib u billaabanaya iyada oo weli ay taagan yihiin…
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo…
Muwaadiniin Soomaali ah oo tiradoodu gaarayso 44 qof oo Maxkamad ku taalla Mumbai ay ku…
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid Cali ayaa ka hor yimid ciidamo la sheegay…