GUDAHA/wararka

Iiraan oo la hadashay Sacuudiga & Cumaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Abbas Araghchi ayaa xiriir teleefan la sameeyay Wasiirro arrimo-dibadeedyada Sacuudiga iyo Cumaan si loo helo xal waara oo looga hortagi karo beegsiga ka dhanka ah Dalalkaas.

Abbas ayaa wadahadalkiisa diiradda ku saaray xaaladda Bariga Dhexe, Marinka Hormuz, dhibaatada Dalalkaan Carbeed kasoo gaartay duqaymaha Iiraan iyo qodobo kale oo muhiim u noqon karaa in ay bog cusub furtaan.

Inkasta oo Iiraan cambaarayn culus kala kulantay tallaabooyinka ay qaadday oo ay ku beegsatay dhowr dal oo Khaliijka ah haddana ma xirmin albaabka wadahadallada dalkaas iyo waddamadaas kale si ay uga xaajoodaan arrimaha taagan.

Siyaasiyiinta qaarkood ayaa tallaabadaan ku sifeeyay mid Tehran ay ku doonayso inay kaga hortagto qorshaha cusub ee ka imaan kara Kulamada Donald Trump iyo Benjamin Netanyahu ee xaaladda si kale u rogi kara sida ay ku doodeen.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Wadahadalka Dowladda & Mucaaradka oo dib u billaabanaya

Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ayaa dib u billaabanaya iyada oo weli ay taagan yihiin…

2 hours ago

Wasiir Al-Cadaala “Amniga Puntland waxaa mas’uul ka ah dowladda Soomaaliya.”

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo…

4 hours ago

Hindiya oo Soomaaliya ku wareejinaya Maxaabiis ku xukuman Xabsi daa’in

Muwaadiniin Soomaali ah oo tiradoodu gaarayso 44 qof oo Maxkamad ku taalla Mumbai ay ku…

4 hours ago

Cumar Cabdirashiid “Gaalkacyo ma’ahan Calmiskaad”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid Cali ayaa ka hor yimid ciidamo la sheegay…

4 hours ago

Malaysia oo xirtay in ka badan 100 qof oo kasoo jeeda Bulshada Rohingaha

Booliiska Malaysia oo sameeyay howlgallo ka dhan ah Bulshada Rohingaha waxa uu xiray in ka…

6 hours ago

Itoobiya oo qorsheynayo in ay wax ka badasho farsamooyinka howlgallada ay kula dagaalami jirtay AS

Warbixin uu daabacay Machadka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa lagu soo bandhigay in ay wax…

6 hours ago