Kulanka ugu xiisaha badan isbuucan horyaalka Engriska ayaa xalay ka dhacay garoonka Wembeley oo ay marti ku aheyd Chelsea.
Kooxda Tottenham ayaa ugu dambeyn xalay soo afjartay rikoorkii guuldarro la’aanta Chelsea markii ay ku garaacday 3-1.
Qeynta hore cayaarta ayaa lagu kala maray 2-0 oo ay ku hogaamineysay kooxda Spurs, waxaana goolka daah furka u dhaliyay Dele Ali oo madax ku dhameystiray kubbadd Laadka xorta aheyd.
Daqiiqado aan sidaa u badneed kaddib Harry Kane ayaa goolka labaad ugu shubay Blues kaddib darbo uu fogaan dheer kasoo tuuray taaso xitta uusan dhaqaaq sameyn goolaha Chelsea.
Dib markii laga soo laabtay nasiinada Tottenham ayaa sii wadatay cayaarta oo waxay ahaayeen kuwa aad ugu gacan sareeyay dhigooda Chelsea.
Waxaana goolka seddaxaad u dhaliyay Son Heung-min oo si qurux badan goolka u dhaafiyay kubbad isaga iyo goolhaayaha.
Dhammaadka ciyaarta Chelsea ayaa heshay goolka calanka waxaana madax ugu dhaliyay Olivier Giroud oo badal dheesha kusoo galay 3-1 ayaana Chelsea lagu xasuuqay.
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…